Thursday, September 19, 2024

Degdeg: Wadahadallada Soomaaliya iyo Ethiopia oo dib loo dhigay muddo aan la cayimin

Muqdisho ( Dawan)- Wareegga Sadexaad ee wadahadallada Soomaaliya iyo Ethiopia ee lagu ballansanaa 17ka September inuu ka dhaco magaalada Ankara ee dalka Turkey ayaa dib u dhacay iyada oo aan la muddeyn kulanka xiga.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa Dawan TV u xaqiijiyay in shirku dib u dhacay sababo la xiriira shirka Golaha loodhanyahay ee Qaramada Midoobay oo ku soo beegmay. Waxa uu meesha ka saaray jiritaanka carqalado cusub oo saameeyay qabsoomidda shirka.

Wasiir Fiqi ayaa xusay in muddada labada maalin ee soo socota la filayo in la shaaciyo muddada kulan xiga.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here