Thursday, September 19, 2024

Masar oo garsiisay Suudaan gargaar isagu jira dawo iyo cunto

Khartoum (Dawan)- Dekedda Port Suudaan, waxaa shalay kusoo xirtay markab ka yimad Masar oo Suudaan u siday 200 oo tan oo gargaar ah isaguna jira dawooyin, cunto iyo waxyaabo kale.

Markabka waxaa soo dhaweeyay Ku-xigeenka Xoghayaha Wasaaradda Caafimaadka Suudaan, Cismat Mustafa, mas’uuliyiin kale iyada uu goob joog ahaa Safiirka Masar ee Khartoum, Haani Saalax.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka ee Suudaan ayaa lagu sheegay in 7 tan oo ka mid ah 200 ee tan inay tahay dawo iyo agabyada caafimaadka.

Gargaarkan ka yimid Masar ayaa la gaarsiin doona gobollada ay ka jirto dhibaatada ugu badan ee ka dhalatay dagaalka sida gobollada Bari iyo kuwa Waqooyiga.

Dhankiisa Danjiraha Masar ayaa sheegay in Markabka soo gaaray magaalada Port Suudasn, inuu sido 200 oo tan oo agab kala duwan ah, oo ay bixiyeen Ciidammada Qalabka Sida ee Masar, iyo Wasaaradaha kala ah Bulshada, Caafimaadka, , Awqaafta, iyo Ururka Bisha Cas ee Masar.

Masiibooyinka dabiiciga ah waxaa ula jira Suudaan dagaal sokeeye oo soo billawday bishii April ee sannadkii 2023, waxaana ku dhintay in ka badan 20,000 oo qof iyada oo ku dhawaad ​​10 milyan ay ku barakaceen, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Baaqyada Qaramada Midoobay iyo kuwa caalamiga ah ayaa sii kordhaya, iyada oo laga casbi qabo in dalkaas uu galo masiibo bini’aadantinimo kadib markii dagaalku ku fiday 13 gobol oo ka mid ah Suudaan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here