Thursday, September 19, 2024

Beesha caalamka oo ugu baaqday Somaliland hirgelinta doorasho hufan

Hargeysa (Dawan)- Iyada oo ay maanta ku beegantahay maalinta caalamiga ah ee Dimuqraadiyadda, ayay Beesha caalamku ugu baaqday hoggaanka Komishanka doorashooyinka Somaliland hirgelinta doorasho hufan oo xalaal ah kadib dib u dhicii ku yimid doorahooyinka labadii sano ee lasoo dhaafay.

Safaaradda Denmark ayaa baahisay muuqaal ay ku jiraan Safiirka Denmark u fadhiya Soomaaliya, Steen Sonne Andersen, iyo Christina Toepell, oo ah Hoggaanka Horumarinta UK ee Hargeysa, iyagoo ku nuuxnuuxsaday baahida loo qabo ixtiraamka xorriyadda hadalka xilliga lagu jiro doorashooyiinka iyo ku dhaqanka shuruucda xilli ay Somaliland kusoo wajahaynyihiin doorashooyin muhiim ah.

Labada mas’uul waxay qireen in Somaliland ay sameysay horumar la taaban karo balse waxay hoosta ka xariiqeen baahida loo qabo in la helo damaanad qaad la xiriira in doorahadu kusoo dhamaato si xor ah oo xalaal.

Safiirka Denmark ayaa ugu baaqay dhinacayda siyaasadda inay ka fogaadaan hadalada wax u dhimaya midnimada , isla markaana la ixtiraamo natiijada kasoo baxda doorashada la filayo inay dhacdo 13ka November.

Komishanka Doorashooyinka Somaliland ayaa shalay guddoonsiiyay musharixiinta Madaxweynaha iyo Kuxigeenka Madaxweynaha ee ka qaybgalaya doorashada shahaadada musharaxnimo.

kadib laba sano oo dib u dhac ugu dambeyn waxaa lagu guuleystay in la qaado tillaabooyinkii ugu horeeyay ee doorashada, waxaana la filaya in ololaha doorashada la guda galo bisha soo socota.

Kormeerayaasha caalamiga ah iyo bulshada rayidka ah ayaa indhaha ku haya hannaanka doorashada, iyada Beesha Caalamka oo ay ku jiraan Denmark, Sweden, iyo UK, ay xaqiijinayaan taageeradooda ku aaddan inay doorashadu u qabsoonto hab nabadeed oo lagu kalsoonaan karo.

Komishanka Doorashooyinka, xisbiyada siyaasadda iyo bulshada rayidka ayaa looga fadhiya inay koox waliba qaadato mas’uuliyadeeda si looga mira dhaliyo habsami u socodka doorashada Somaliland ee lawada sugayo.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here