Thursday, September 19, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Kenya

Laamaha amniga Kenya ayaa dadweynaha ku wargeliyay inaysan jirin cabsi laga qabo falal amni xumo ah oo ka dhan ah muwaadiniinta, lana adkeeyay ilaalinta amniga iyo xasiloonida guud ahaan dalka.

Arrintan ayaa timid ka dib markii safaaradaha dowladaha Mareykanka iyo Ingiriiska ee Kenya ay soo saareen digniino ku aaddan weerarro argagixiso oo laga cabsi qabo in ay ka dhacaan gudaha Kenya.

Jarmalka

Hoggaamiya Jarmalka Olaf Scholz ayaa booqashadiisii ​​ugu horreysay ku tagaya wadamada ku yaal bartamaha Aasiya ee Kazakhstan iyo Uzbekistan. Ujeedada booqashadiisa ayaa ah sidii Berlin u heli lahayd suuqyo cusub oo ay ka hesho tamar iyo macdan.

Japan

Duufaanta loo yaqaan Bebinca ayaa ku dhufatay jasiiradda Amami ee koonfur-galbeed ee Japan fiidnimadii Sabtida. Hay’adda cimilada ayaa ka digtay dabaylo xooggan, dhul go’ iyo daadad samayn ku yeesha nolosha dadka.

Pakistan

Xukuumadda Pakistan ayaa la filayaa in ay baarlamaanka u soo bandhigto in wax ka bedel lagu sameeyo dastuurka, iyada oo la kordhin doono da’da hawlgabka ee guddoomiyaha maxkamadda sare iyo garsoorayaasha kale ee dalka .

Xisbiyada waaweyn ee mucaaradka ayaa kasoo horjeeda qorshaha wax looga bedelayo dastuurka, waxaana la filaya inay dhigaan mudaaharaadyo looga soo horjeedo tillaabadaas.

Mpox iyo Afrika

Kiisaska cudurka mpox ayaa weli ku sii kordheysa Afrika, gaar ahaan dalalka deriska la ah Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo. Saraakiisha caafimaadka ee Uganda ayaa sheegay inay kor u dhaaftay tirada dadka uu ku dhacay cudurka mpox 10 qof.

Jordan

Ra’iisul Wasaaraha Jordan, ayaa maanta istiqaalada Xukuumaddiisa u gudbiyay Boqorka dalka si uu usoo magacaabo ra’iisul wasare cusub kadib doorashadii Baarlamaanka.

Faransa

Dowladda Faransiiska ayaa sheegtay in dhowr qof oo tahriibayaal ah ay ku dhinteen xalay xeebaha u dhexeeya dalalka Faransiiska iyo Ingiriiska.

Falastiin

Duullaanka Israel ee Gaza ayaa galay bishii 12-aad iyada oo aysan muuqanin rajo laga qabo inay dhacdo xabbad joojin marka laga eego mowqifyada labada dhinac sida ay u kala fogyihiin.

Ciidamada Israel waxay duqeyn cirka ah iyo weeraro dhulka ah ku dileen in ka badan 41 kun iyo 182 qof halka uu dhaawac soo gaaray in ka badan 95 kun iyo 280 Falastiiniyiin ah, kuwaas oo u badan haween iyo carruur.

Daanta Galbeed, waxay Israel ku dishay ku dhawaad 703 qof oo ay ku jiraan 143 carruur ah, halka ay dhaawacmeen in ka badan 5,700 kale, iyadoo xabsiga loo taxaabay dad ka badan 10 kun iyo 200 oo qof, oo ay ka mid yihiin 53 wariye tan iyo 7-dii October 2023.

Tirada askarta Israel looga dilay dagaalka ayaa gaartay 708, halka dhaawacana lagu sheegay 4,440, askari.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here