Thursday, September 19, 2024

Muqdisho oo laga hirgeliyay xarunta Bangiga dhiigga qaranka

Muqdisho (Dawan)- Magaalada Muqdisho waxaa maanta laga daahfuray howlgelinta xarunta Bangiga dhiigga qaranka oo ay maalgelisay Boqortooyada Sacuudi Carabiya, waxaana munaasabadda kasoo qaybgalay Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, wasiirka caafimaadka, safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale.

Ujeedka laga leeyahay xaruntan ayaa ah in la helo xilli kasta dhiig lagu badbaadin karo dadka u baahan, iyada oo isbitaalada magaalada ay soo wajahdo dhiig yari inta badan.

Bishii Maajo 2024, Xarunta Boqor Salmaan ee gargaarka bini aadanimada iyo hay’adda daryeelka dhibanayaasha dagaalada iyo masiibooyinka ayaa ku heshiiyay in la howlgaliyo Bangiga Dhiigga ee magaalada Muqdisho, si ay uga faa’iideystaan 7,275 qof.

Mas’uuliyiinta dowladdu waxay sheegeen in xaruntan la dhigay mishiinadii ugu danbeeyey oo casri ah, waxaana la filayaa inay kaalin weyn ka qaataan samata bixinta bukaannada u baahan dhiigga, iyada oo gacan weyn ka geysan doonta helitaanka dhiig caafimaad qaba oo ku filan bukaannada.

Sidoo kale, waxay dowladda Sacuudigu qalabeysay xarunta dhaqidda Kilyaha ee isbitaalka Banaadir, oo ah xarun si lacag la’aan ah ugu adeegta bukaanada.

Xarunta dhaqidda kilyaha, waxaa dhisay Sacuudiga sannadkii 2016, waxaana ku baxay lacag dhan 6 milyan oo riyaal. Xilligaas waxaa la dhigay 25 mashiinada lagu sifeeyo kilyaha iyo agabyada kale ee muhiimka u ah howlaha caafimaadka

Ra’iisul Wasaaaraha ayaa uga mahadceliyay dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya oo gacan ka siisay Soomaaliya hirgelinta iyo dib habeynta qaybahan caafimaad, wuxuuna ballanqaaday in xukuumaddu dadaal badan ku bixineyso horumarinta adeegyada caafimaadka, si loo xaqiijiyo helitaanka adeegyo caafimaad oo dhan walba ah.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here