Friday, January 3, 2025

Wajeer… Wakiilka deegaanka hoose ee Della oo la afduubtay

Wajeer (Dawan)- Shir jaraa’id oo ay qabteen, mas’uuliyiinta Golaha Ismaamulka Wajeer, oo uu hoggaaminayo Afhayeenka Golaha Cabdulle Yuusuf, ayaa si kulul u cambaareeyay afduubka loo geystay Yuusuf Xuseen , oo ah xildhibaanka deegaanka Della ee hoos taga Wajeer.

Yuusuf Xuseen ayaa la sheegay in la afduubtay habeenkii Jimcaha abaare 9:00 fiidnimo isagoo marayay waddada Enterprise Road ee Nairobi.

Mas’uuliyiintu waxay muujinayaan walaac weyn oo ku saabsan maqnaanshaha lama filaanka ah ee xildhibaanka, kadib markii gaarigiisa la joojiyay ka hor inta aan si qasab ah loo afduubin. Afduubayaashu waxay wateen laba gaari oo nooca Land Cruiser Prado ah, balse weli lama aqoonsanin.

Mas’uuliyiinta Ismaamulka Wajeer waxay ku baaqeen in si degdeg ah ah loo maareeyo kiiska, iyagoo dalbaday in lasii daayo haddii uu ku jiro gacanta dowladda ama lasoo taago maxkamad haddii la haysto dembi.

Waxay carrabka ku adkeeyeen in aan la aqbali karin in qof mas’uul ah la afduubo ama la iska xiro iyada oo la baalmarayo sharciga, taas oo walbahaar badan ku abuurtay qoyskiisa, saaxiibadiis, iyo shacabka uu matalo.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax faallo ah oo ka soo baxay hay’adaha amniga, iyadoo baaritaanada afduubka ay wali socdaan.

Dhanka kale, Senatarka ismaamulka Mandera, Cali Ibraahim Roba ayaa dhankiisa cambaareeyay maqnaansha wakiilka deegaanka hoose ee Della Yuusuf Xuseen.

Waxaa uu sheegay in aan la aqbali karin inuu dhaco afduub uu madaxweynaha Kenya William Ruto ballan qaaday inuunan dhici doonin inta uu hoggaanka hayo, wuxuuna waaxda dambi baarista ka dalbaday inay caddeyso qaabkii iyo sababtii keentay in la waayo wakiilka deegaanka hoose ee Della.


Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here