Thursday, September 19, 2024

Maxay ka dhigan tahay soo dhaweynta diirran ee Xoghayaha IGAD?

Muqdisho (Dawan)- Soo dhoweyn diirran oo mashxarad ku dheehan tahay ayaa garoonka diyaaradaha Aaden Cadde lagula soo dhoweeyay wafdiga urur goboleedka IGAD oo uu hoogaaminayay Xoghayaha fulinta Dr Workneh Gebeyehu. Si ka baxsan curfiga dublamaasiayadda waxaa diyaaradda horteeda wada taagnaa wasiirka arrimaha dibadda iyo wasiirudowlahiisa.

Dr Workneh Gebeyehu waxa uu ahaa wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Ethiopia ee xukuumadda Abiy Axmed, waxaana lagu xasuustaa kaalintii uu ku lahaa isbaheysigii saddex geesoodka ee Somalia-Ethiopia iyo Eritrea, hadda waxa uu xilkan ku joogaa saami qeybsiga ay Ethiopia heshay.

Kulamo labada dhinac ee Soomalaiya iyo IGAD ku dhexmaray wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya xooggooda waxay diiradda saareen mashaariic horumarineed oo isbedelka cimilada iyo blue economy la xiriira, waana mashaariic IGAD oo horay ku aasaasmay arrimaha deegaanka la soo marsiiyay oo midowga Yurub uu ku deeqay.

Balse dulucda safarka Dr Workneh Gebeyehu iyo farriinta uu sido waxaa ka dhawaajiyay wasiir Fiqi.

“Waxaan isku soo qaadnay arrinta ka taagan annaga iyo dowladda aan walaalaha nahay ee deriska (Ethiopia), oo ay IGAD position fiican ka qaadatay bilihii ugu horreeyayba inay position keeda caddeeysay, hadana IGAD masuuliyadi ka saaran tahay maddaama aan ururka ka wada tirsannahay, isla markaana ay tahay urur waxyaabo badan soo xalliyay oo ay tahay inay kaalintooda qaataan. Runtii aad iyo aad ayaan ugu mahadcelineynaa Doctor-ka iyo wafdigiisaba, waxaana rajeyneynaa IGAD kaalinteedi xooganeed. Soomaaliya dowlad dhiskeed qayb wayn bay ka ciyaartay,, haddana waxaana rajeyneynaa in arrimaha gobolka ka taagan inay qaybtooda ka ciyaarto, annugana aan u noqono garab”

Dr Workneh Gebeyehu, waxa uu dhankiisa shirka jaraa’id ku xusay inay Soomaaliya ka codsadeen inay kaalin ka qaadato sidii Suudaan loogu soo celin lahaa IGAD, taas oo aan la ogeyn waxa ay xilligaan Soomaaliya ka qaban karto:

” Waxaan ku faraxsanahay inaan Soomaaliya u dhiibo mas’uuliyadda ah inay nagu caawiso sidii aan walaalaheen Suudaan dib ugu soo celin lahayn IGAD”

Xoghayaha IGAD ayaa sidoo kale kulan la qaatay Madaxweynaha Soomaaliya, taas oo la aaminsan yahay inay tahay ujeedka ugu weyn ee booqashadiisa. Waxaa jira xogo lagu kalsoonyahay oo xusaya in Dr Workneh Gebeyehu uu farriin ka sido ra’iisul wasaaraha dalkiisa isla markaasna ay ka soo wada jeedaan qoomiyadda Oromada.

Lama oga sida ay xaaladdu ku dambeyn doonto, balse wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya oo kamid ahaa masuuliyiinta Soomaalida ugu luqadda adkaa marka ay timaado xiisadda Ethiopia ayaa maanta shirkiisii jaraa’id ku muujiyay rajo ah inay soo dhamaaneyso xiisaddan 9 bilood jirsatay.

“Waxaan rabaa runtii inaan farriin kale dadka walaalaheen aha ee Itoobiya.Itoobiya shacabkeeda iyo dalkaas wayn dhibaato nagama dhaxeyso. Dal aan deris nahay oo walaala nahay weeye laakin nidaamka meesha ka taliya ayaan wax isku diidnay”

Mala dhihi karaa waxaa billowday dhammaadka khilaafkii MoU-ga ee kala geeyay Soomaaliya iyo Ethiopia? Waa su’aal ay maalmaha iyo todobaadyada soo aadan ka jawaabi doonaan.

Share this article

Recent posts