Thursday, September 19, 2024

Bangiga Adduunka oo Jabuuti ka taageeraya la dagaalanka Saboolnimada

Jabuuti (Dawan)- Jabuuti waxaa soo gaaray wafdi uu hoggaaminayo guddoomiye ku xigeenka Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika u qaabilsan Bangiga Adduunka. Wafdigan ayaa kulamo la yeeshay masuuliyiinta dowladda Jabuuti si ay uga wada hadlaan horumarinta dhaqaalaha iyo la dagaalanka saboolnimada.

Wasiirka Dhaqaalaha iyo Maaliyadda Jabuuti, Ilyaas Muuse, ayaa xafiiskiisa ku soo dhaweeyay guddoomiye ku xigeenka Bangiga Adduunka. Labada dhinac waxay ka wada hadleen sidii horumar ballaaran loogu samayn lahaa dhaqaalaha dalka, iyadoo Bangiga Adduunka uu ka taageerayo Jabuuti dhinacyo ay ka mid yihiin ballaarinta ilaha dhaqaale ee casriga ah, helidda biyo nadiif ah, waxbarasho, iyo caafimaad.

” Waxaan wada yeelan doonnaa wadahadallo ballaaran si aan kor ugu qaadno iskaashigeenna” ayuu ku yiri wasiir Ilyaas.

Jabuuti ayaa isku dayeesa in  in ay door muhiim ah ka qaadato horumarinta dhaqaalaha iyo tayeynta adeegyada muhiimka ah ee nolosha bulshada .

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here