Thursday, September 19, 2024

Turkiga oo maraakiib dagaal soo raacinya markabka Soomaliya ka qodaya shidaalka

Ankara (Dawan)- Turkiga ayaa qorsheynaya inuu maraakiib ciidan usoo diro xeebaha Soomaaliya si ay u ilaaliyaan markabka ka sameynaya barista iyo qodista shidaal xeebaha Soomaaliya.

Sida ku cad heshiiska ay kala saxiixdeen Turkiga iyo Soomaaliya horraantii sanadkan, Ankara waxaa loo oggolaaday inay ka ilaaliso biyaha Soomaaliya khataraha dibadda, iyo sidoo kale inay samayso baarsita iyo qodista shidaalka ku jira aagga dhaqaalaha gaarka ah ee Soomaaliya.

Laba markab oo kuwa dagaalka ah iyo mid kale oo qaabilsan caawinta dheeraadka ah ayaa la gayn doona xeebaha Soomaaliya. Turkidu waxay ku doodayaan inay howl ka qabanayaan xeeb furan oo wax kasta laga filan karo taasna ay keentay in loo baahdo tillabadan lagu ilaalinayo maraakiibta qodeysa shidaalka.

Maraakiibtan ayaa la filaya inay soo gaaraan xeebaha Soomaaliya horaanta bisha October.

Tukiga waxaa ruqsad loo siiyay inuu shidaal ka qodo saddex goobood oo middiiba tahay 5,000 oo KM oo isku wareeg ah, sida uu sheegay Wasiirka Tamarta ee Turkiga Alparslan Bayraktar.

Turkiga iyo Soomaaliya ayaa bishii Febraayo kala saxiixday heshiis iskaashi oo dhanka difaaca iyo dhaqaalaha ah, kaas oo looga gol leeyahay in la dhiso ciidamo badeed oo awood u leh ilaalinta xeebta dheer ee Soomaaliya.

Bishii Maarso, Turkiga iyo Soomaaliya ayaa sidoo kale qalinka ku duugay heshiis shidaal baaris iyo qodis ah.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here