Thursday, September 19, 2024

Soomaaliya oo xirtay Madaxa Shaqaalaha Shirkadda Turkiga ee Favori

Muqdisho (Dawan)- Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Soomaaliya ayaa sheegay in la xiray Ertugrul Karafiyeli oo ah madaxa Shaqada iyo Shaqaalaha Shirkadda Favori, una dhashay dalka Turkiga.

Ertugrul waxaa loo haystaa dhowr dacwo oo isagu jira xadgudub ka dhan ah shaqaalaha shirkadda, ansahx xumo iyo ku tagrifal awoodeed sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Xafiiska Xeer Ilaaliyaha.

“Eedaysanaha ayaa loo haystaa faldambiyeedyo kala ah anshax xumo, handadaad, xadgudub iyo tagrifal awoodeed oo uu ku sameeyay mu- waadiniin Soomaali ah oo ka shaqeynayay Shirkadda Favori” ayaa lagu yiri, qoraalka

Ertugrul Karafiyeli ayaa hadda ku jira Xabsi ku hayn ku meel gaar ah, waxaana lasoo saari doona dhawaan maxkamad sida Xeer Ilaalintu sheegtay.

Bishii hore ayay ahayd markii Hanti dhowraha Guud ee Qaranka uu ku eedyay laba shirkadood oo laga leeyahay dalka Turkiga kuwaas oo kala ah Favori LLC iyo Albeyrak inay ku xadgudbeen heshiisyadii dheef-wadaaga ahaa ee ay la galeen dowladda Soomaaliya

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here