Thursday, September 19, 2024

Dhacdooyinka ka dhashay xiisadda Dowladda Dhexe iyo Koonfur Galbeed

Muqdisho (Dawan)- Xiriirka Dowladda Federaalka ah iyo dowladda goboleedka Koonfur Galbeed ayaa meel halis ah gaaray. Sababo is biirsaday oo qabiil, doorasho iyo dano kale la xiriira ayaa loo aaneynayaa inay xiisaddan cusub salka ku heyso, bal aan fiirino dhacdooyinka xiisaddan ka dhashay iyo ilaa iyo hadda tallaabooyinka la qaaday:

1- 30kii bishii August ; shacabka iyo maamulka inta badan magaalooyinka Koonfur Galbeed ayaa ka horyimid in Ciidamo Masaari ah la geeyo deegaanadooda, iyaga oo taageero u muujiyay Ethiopia oo ciidankeeda ay deegaanadaas ku sugan yihiin. Ciidmada Ethiopia waxay ku biireen kuwa Midowga Afrika 2014 markii uu ogolaaday madaxweyne Xasan Sheekh.

2- 31kii bishii August; Xildhibaano ka tirsan Federaalka oo Koonfur Galbeed ka soo jeeda ayaa iyagana taageeray go’aanka deegaanadooda, taas oo ka careysiisay xukuumadda Muqdisho. Dil iyo xasaanad ka qaadid ayaa loogu hanjabay.

3- 9ka bishaan September; Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa xildhibaanadaas ku tilmaamay halyeeyo, waxa uuna sheegay inay iska diideen waxa u uku timaamay “Waddaniyad qabiileysan”.

4- 11ka bishan September; Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre oo wakiil ka ah madaxweynaha ayaa Baydhabo tegay wadahadallo albaabada u xiran yihiina la yeeshay madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen si uu ugu qanciyo inuu Muqdisho yimaado, balse taas waa dhici weysay.

5- Guddoomiyaha Golaha shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa Khadka teleefanka kula hadlay madaxweyne Laftagareen si uu ugu qanciyo imaanshihiisa Muqdisho, balse Laftagareen ayaa ku dooday inuu Ra’iisul wasaaraha kala hadlay muhiimmada qodobada la isku hayo

6- Ciidanka Xoogga qeybta 60aad oo uu fadhigoodu yahay Baydhabo ayaa saanadda laga jaray, kadib markii ay diideen inay ka amar qaataan wasiirka gaashaandhigga oo Koonfur Galbeed ka soo jeeda, kana mid ah siyaasiyiinta ka soo horjeeda hoggaaminta Laftagareen. Tallaabadaan ayuu Laftagareen u arkay iskuday awood ciidan oo xilka looga tuurayo, waxa uuna la wareegay kharashka sahayda ciidamadan oo kuwa xoogga kamid ah.

7- Habka kaliya ee la iskaga goosho magaalooyinka waaweyn ee Koonfur Galbeed waa diyaarad. Sidaas darteed waxaa dhacay dhowr dhacdo oo is xig xigay oo shaki ku beeray maamulka Koonfur Galbeed;

• Waxaa la xayiray diyaarad ciidan siday oo ka duushay Baydhaba kuna wajhnayd Baraawe

  • 16 bishan September Waxaa garoonka Muqdisho lagu xayiray taliyaha ciidanka xoogga ee degmada Xudur oo deegaankiisa ku wajahnaa
  • 17 bishan September ; Waxaa muddo saacado ah la xayiray diyaarado Muqdisho ka duulayay oo ku wajahnaa Baydhabo oo siday xildhibaano Federaalka ah oo Koonfur Galbeed ka soo jeeda.

    8- Baraawe oo ay ku sugan yihiin ciidan Xoogga dalka ah oo madaxweynaha ka amar qaata waxaa ka billowday dhaqdhaqaaq ciidan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here