Thursday, September 19, 2024

6 qof oo aano qabiil loogu dilay Dowlad Deegaanka Soomaalida

Jigjiga (Dawan)- Lix qof ayaa xalay lagu dilay magaalada Wardheer ee Dowlad Deegaanka Soomaalida kuwaas oo ahaa dhallinyaro xer ah oo wax ka baranaysay masaajid ku yaal magaalada.

Rag hubeysan oo aan haybtooda la garanin ilaa iyo hadda ayaa soo weeraray xerta xilligi laga baxay salaaddii Cishaha waxayna ku dhax dileen masaajidki ay wax ka baranyeen sida ay sheegayan wararka la helayo.

Wararka qaar waxay tilmaamayan in la dilay raggaan xilli ay kasoo baxeen salaadda oo ay ku sugnaayeen bannaanka masjidka.

Lixda qof ee la dilay shan ka mid ah waxay kasoo jeedaan hal qoys, waxaana dilkooda lala xiriirinaya aano qabiil.

Dhawaan ayay ahayd markii sidaan oo kale lix qof loogu dilay isla magaalada sababo la xiriira colaad u dhaxeysa beelaha wada dega magaalada.

Inkasta oo wax war ah uusan kasoo bixin maamulka dowlad deegaanka Soomaalida, hadana laamaha amniga ayaa bilaabay howlgal lagu baadi goobayo kooxdii dilka gaysatay, sidoo kalena lagu sugayo xasiloonida magaalada.

Arrintan ayaa kusoo aadeysa iyada oo magaalada Jigjiga shaly lagu soo gabgabeeyay shir nabadeed oo u dhaxeeyay beelaha ku dagaalamayay waaydii ugu dambeysay magaalada Wardheer, waxayna ku kala saxiixdeen heshiis lagu soo afjarayo colaadda.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here