Thursday, September 19, 2024

Shilalka Kenya oo galaaftay nolosha in ka badan 3,000 oo qof muddo 9 bil ah

Nairobi (Dawan)- 3,369 qof ayaa ku naf waayay shilal baabuur oo ka dhacay Kenya intii u dhaxaysay 1-dii January ilaa 16 bishaan September, sida lagu ogaaday xog cusub oo kasoo baxday Boliiska dalkaas.

Tirada ugu badan ee ku dhintay shilalka gaawriada ah ayaa dawaynaha maraya waddooyinka kuwaas oo dhimashadooda lagu sheegay 1,281 qof, waxaa ku xiga wadayaasha mootooyinka oo ah 825 halka dadka dhintay iyaga oo saaran gawaari ay gaarayan 654 rakaab ah, iyo tirada darawalada gawaarida ee dhimtay oo ah 281 darawal.

Xogtu waxay sidoo kale daaha ka qaaday in 16,979 qof ay saameeyeen shilalka waddooyinka sagaalkii bilood ee ugu horreeyay sanadkan 2024-ka.

Tirakoobkan ayaa muujinaya koror yar oo ku yimid dhimashada ay sababaan shilalka waddooyinka marka loo eego sanadkii hore oo ay ku dhinteen shilalka gaadiidka 3,151 qof.

Sii hayaha xilka taliyaha guud ee ciidanka Boliiska Kenya, Gilbert Masengeli, ayaa walaac ka muujiyay shilalka sii kordhaya, wuxuuna shacabka ku booriyay inay u hogaansamaan shuruucda wadooyinka si looga hortago khasaaro kale oo nafeed.

“Waxaan aragnay kororka shilalka gaadiidka ee dalka oo dhan, waana sababta aan shirkan wadatashiga ah ugu yeernay dhammaan saraakiisha ilaalinta waddooyinka, si aan wax uga qabanno dhibaatada waddooyinka iyo musuqmaasuqa ka jira qaybta Taraafikada,” ayuu yiri Masengeli.

Dhwor jeer laamaha dowladda Kenya ee qaabilsan ka hortagga shilalka iyo bad qabka dadweynaha ayaa soo saaray awaamir iyo digniino lagu xakamayanayo shilalka sida is daba joog ah uga dhaca dalkaas balse weli laguma guuleysan in arrintaas xal loo helo.

Shilalka gawaarida ayaa ku badan Kenya, waxeyna galaaftaan sannadkii nolosha dad badan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here