Thursday, September 19, 2024

Dagaal culus oo ka socda deegaano ka tirsan gobolka Amxaarada

Addis Ababa (Dawan)- Xiisadda colaadeed ee ka aloosan deegaanada ku yaal bartamaha iyo waqooyiga magaalada Gonder ee gobolka Amxaarada ayaa sii xoogeysanaysa, waxaana labadii maalin ee lasoo dhaafay ku dhintay dhowr qof oo isagu jira askar iyo dad rayid ah.

Iska hor imaad shalay dhex maray ciidamada dowladda iyo dagaalmayaasha Fano, ayaa la sheegay inay ku dhinteen 6 askari oo ka tirsan ciidamada dowladda iyo dagaalamayaal ka tirsan Fano oo aan la sheegin tiradooda.

Dagaalka ayaa socday 6-dii subaxnimo ilaa 5-tii galabnimo, sid ay sheegtay warbaahinta Itoobiya oo soo xiganeysa goob-joogyaal.

Dagaalkan ayaa yimid kadib markii Jabhadda Fano ay weerar ku qaaday aag difaac u ah ciidamada ku sugan magaalada Gonder. Dagaalka ayaa kusi fiday shan xaafad oo ka tirsan magaalada taas oo keentay inay dhintaan dad rayid ah.

Ugu yaraan laba qof oo rayid ah ayaa la dilay, waxaana jira dad kale oo ay soo gaareen dhaawacyo kala duwan, inkastoo aan la ogeyn tirada rasmiga ah ee waxyeeladu kasoo gaartay dagaalka.

17 bishaan September, laba arday ayaa ku dhintay dagaal culus oo ka dhacay Bartamaha magaalada Gondar, waxaana dhaawacyo culus soo gaareen shan qof oo kale.

Dhaqtar ka shaqeeya isbitaal ku yaal Debarq ayaa BBC-da u sheegay in isbitaalka la keenay in ka badan 20 qof oo qaba dhaawacyo labadi maalin ee lasoo dhaafay. Laba ka mid ah dadkaas ayaa u dhintay dhaawacyadii ay qabeen.

Bil ka hor ayay ahayd markii magaalada Bahir Daar ay noqotay magaalada ugu amaanka xun gobolka kadib markii ay ka dhaceen dagaalo culus oo u dhexeeyay ciidamada amaanka dowlada iyo kooxda Fano.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here