Thursday, September 19, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Kenya

Madaxweynaha Kenya, William Ruto ayaa Douglas Kanja Kirocho u magacaabay taliyaha guud ee ciidanka boliiska dalkaas.

Douglas ayaa hore u ahaa taliye ku xigeenkii boliiska, waxa uuna bedelaya Japhet Koome oo xilkan iska casilay bishii toddobaad ee sanadkan.

Comoros

Madaxweynaha Comoros Ghazali Cismaani ayaa maanta shir gudoomiyay shirka golaha wasiirada, waana markii ugu horeysay ee uu kasoo muuqdo kulamada xukuumadda tan iyo markii lagu dhaawacay weerar mindi loo adeegsaday todobaadkii hore.

Congo

Hay’adaha caafimaadka ayaa dhibaato kala kulmaya xakameynta faafitaanka cudurka mpox ee ka dillaacay Jamhuuriyadda Congo, kadib markii uu gaaray deegaano ay colaado ka jiraan.

Ilaa iyo hadda waxaa dalkaas laga diiwaan geliayy in ka badan 21,000 oo kiis, sida ay muujisay tiradii ugu dambaysay ee WHO

Tuunis

Maxkamad ku taal Tunisia ayaa Arbacadii ku xukuntay Alcayaashi Samaal oo ah musharax u taagan madaxtinimada dalkaas 20 bilood oo xabsi ah, sida uu sheegay qareenkiisa.

Mucaaradka Tuunis ayaa u arka tillaabadan mid u gogol xaareysa in lagu shubto doorashda soo socota.

Lubnaan

Wasaaradda caafimaadka Lubnaan ayaa sheegtay in tirada ku dhmatay qaraxyadii ka dhashay aaladda loo adeggsado xiriirka ay gaartay ilaa 37 qof.

Filibiin

Filibiin waxaa ku dhintay 23 qof kadib markii ay ka dhaceen duufaano xoogan.

Nigeria

Dowladda Nigeria ayaa soo saartay digniin ku saabsan suurtagalnimada daadad xoogan oo kusoo wajahan 11 gobol iyadoo dalka deriska ah ee Cameroon uu bilaabay inuu sii daayo biyaha mid ka mid ah biyo-xireennada ugu weyn.

Gobolka Borno ee waqooyi bari Nigeria ayaa hadda la tacaalaya daadad ay ku dhinteen 40 qof ayna barakaceen tobanaan kun.

Koonfura Suudaan

Koonfurta Suudaan ayaa dib u bilaabi doonta dhoofinta shidaalka ka dib markii la dayactiray dhuumihii u gudbin jiray Suudaan horaantii sanadkan. Koonfurta Suudaan oo si weyn ugu tiirsan dhoofinta shidaalka, iyada oo Suudaan usii mareysa suuqa caalamiga ah.

Sri Lanka

Sri Lanka ayaa lagu wadaa in maalinta sabtida ah ay ka dhacdo doorashada madaxtinimo. Madaxweynaha hadda talada haya Ranil Wickremesinghe ayaa doonaya in dib loogu soo doorto doorashadii ugu horeysay ee uu qabto tan iyo markii uu xilka qabtay laba sano ka hor.

Falastiin

Ciidamada Israel waxay duqeyn cirka ah iyo weeraro dhulka ah ku dileen tan iyo markii uu billaawday dagaalka Gaza in ka badan 41 kun iyo 272 qof halka uu dhaawac soo gaaray in ka badan 95 kun iyo 551 Falastiiniyiin ah, kuwaas oo u badan haween iyo carruur.

Daanta Galbeed, waxay Israel ku dishay ku dhawaad 705 qof oo ay ku jiraan 143 carruur ah, halka ay dhaawacmeen in ka badan 5,700 kale, iyadoo xabsiga loo taxaabay dad ka badan 10 kun iyo 200 oo qof, oo ay ka mid yihiin 53 wariye tan iyo 7-dii October 2023.

Tirada askarta Israel looga dilay dagaalka ayaa gaartay 713 , halka dhaawacana lagu sheegay 4,452, askari.


Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here