Friday, September 20, 2024

Soomaaliya oo Itoobiya ku eedeysay inay hub gaarsiisay Puntland

Muqdisho (Dawan)- Dowladda Soomaaliya ayaa Itoobiya ku eedeysay inay hub sharci darro ah gaarsiisay Dowlad Goboleedka Puntland, iyada oo aan usoo marin hannaanka diblomaasiyadeed.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu yiri; “Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay si kulul u cambaareyneysaa shixnadda hubka iyo rasaasta dhawaan la soo mariyay dhulka ee ka timid Itoobiya lana geeyey gudaha Maamul-Goboleedka Puntland ee Soomaaliya”

Wasaaraddu waxay intaas ku dartay in arrintan ay xad-gudub ku tahay madaxbannaanida Soomaaliya taas oo saameyn amni ku yeelanaysa xasiloonida gobolka, waxayna xustay inay caddeymo u heyso in Puntland la geeyay laba gaari oo hub ah kuwaas oo ka yimid Itoobiya, iyada oo aan loosoo marin dowladda dhexe loona haysnin wax ogolaansho ah.

Puntland iyo dowladda Itoobiya kama jawaabin eedeynta kasoo baxday Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ilaa iyo hadda (19: 40) xilliga Geeska Afrika .

Wasaaraddu waxay tilmaamtay inay jiraan warbixino kale oo muujinya in Itoobiya ay hub gaysay Galmudug iyo magaalada Baydhabo inkasta oo aysan sheegin xillaga la geeyay.

Ugu dambeyntii, waxay dowladda Soomaaliya ugu baaqday saaxiibada gobolka iyo kuwa caalamiga ah inay cambaareeyaan tillaabadan, iyaga oo xooga saaraya dadaallada lagu adkaynayo nabadda iyo xasilloonida gobolka.

Dowlad Goboleedka Puntland ayaa xiriirka horay ugu jartay Dowladda Dhexe kadib markii la isku khilaafay hannaanka doorashooyiinka soo socda iyo arrimaha dhamaystirka Dastuurka, waxayna Puntland ku dhawaaqday inay si madax bannaan ula tacaamili doonto beesha caalamka.

Arrintan ayaa imaaneysa iyada oo khilaafka labada dowladood uu gaaray meeshi ugu sareysay, inkasta oo Turkigu isku dayay in la qaboojiyo xiisadda u dhexaysa Muqdisho iyo Addis Ababa ee ka dhalatay heshiiskii is-afgaradka ahaa ee ay Itoobiya la gashay Somaliland si ay u hesho deked.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here