Saturday, September 21, 2024

Jabuuti oo Koonfur Afrika ka codsatay taageerada Maxamuud Cali Yuusuf

Cape Town (Dawan)- Gudoomiyaha Baarlaamaanka Jabuuti, Dileyta Maxamed Dileyta ayaa booqasho ku tagay dalka Koonfur Afrika, si uu xoojiyo taageerada musharaxnimada Jabuuti ee xilka guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika.

Gudoomiyaha ayaa kulamo la qaatay Madaxweynaha Koonfur Afrika iyo  dhigiisa dalkaas, isaga oo ka codsaday inay garab istaagaan musharaxa Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ,  oo u taagan xilka Gudoomiyaha Midwoga afrika.

Booqashadan ayaa qeyb ka ah dadaallada Jabuuti ay taageero uga raadinayso dowlado badan oo Afrikaan ah si ay ugu guuleysto xilka guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika.

Maxamuud Cali Yuusuf ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa Koonfurta Suudaan, isaga oo codsigiisa hordhigay  Madaxweyne Salva Kiir Mayardit 

Doorashada Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika (AUC) waxaa lagu wadaa in la qabto bisha Febraayo 2025 inta lagu jiro shirweynaha Midowga Afrika ee ka dhici doona Addis Ababa, Itoobiya.

Sanadkan, kaltanka kursiga gudoomiyaha Midowga Afrika  waxa uu u gaaryahay murashaxiinta ka socda Bariga Afrika, waxaana  magacyadooda soo gudbiyay kaliya afar murashax oo ka kala socda dalalka Jabuuti, , Kenya, Mauritius, iyo Madagascar kuwaas oo doonaya inay qabtaan xilka ugu sarreeya ee Midowga Afrika.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here