Saturday, September 21, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Garoowe

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa digniin culus u diray dowladda federaalka Soomaaliya, isagoo madaxda iyo siyaasinta Soomaaliyeed ugu baaqay inaan dalka lagu celinin burbur kale.

Masar

Masar waxay ku celisay in Soomaaliya ka taageereyso dhismaha laamaha amniga iyo awoodda ciidamada, iyada oo xooga la saarayo la dagaalanka argagixisada, xaqiijinta amniga, iyo u hogaansanaanta sharciga caalamiga ah.

Pakistan

Xisbiga mucaaradka ah ee Pakistan ayaa isku soo bax ballaaran ku qabanaya waqooyiga bari ee magaalada Lahore, s xabsiga looga sii daayo Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalkaas Imran Khan.

Zimbabwe

Zimbabwe ayaa Rwanda ka heshay 1,000 ton oo cunto ah si ay ula dagaalanto abaarta ba’an ee dalkaas ka jirta ee ka dhalatay El Niño.

Ergeyga ugu sarreeya Rwanda ee Zimbabwe, James Musoni, ayaa shixnaddan ku wareejiyay magaalada Harare, isagoo ku nuux-nuuxsaday sida ay dalkiisu uga go’an tahay taageerada Zimbabwe.

Mozambique

Uganda iyo Mozambiqueayaa kala saxiixday heshiis is afgarad ah oo loogu oggolaanayo muwaadiniinta labada dal inay u kala gooshaan dalalkan iyaga oo aan looga baahnayn dal ku gal.

Talaabadan ayaa Mozambique ku dartay liiska wadamada ay ka mid yihiin Angola, Kenya, Botswana, Ireland, South Sudan, Malawi, Malaysia, iyo Comoros, kuwaas oo muwaadiniinta laga dhaafay inay fiisa usoo qaataan Uganda.

Uganda

Wiilka madaxweynaha Uganda ee lagu magacaabo Muhoozi Kainerugaba ayaa sheegay inuu ka tanaasulay qorshihii uu ku doonayay inuu ugu tartamo madaxtinimada doorashada soo socota ee 2026, isagoo taageerayaashiisa ugu baaqay inay taageeraan aabihiis.

Madaxweyne Museveni oo Uganda hoggaaminayey 38 sannadood, ayaa si weyn loogu saadaalinayaa inuu mar kale isu soo taago xilka Madaxweynaha, inkasta oo aanu weli caddayn inuu u sharraxan yahay.

Sri Lanka

Muwaadiniinta Sri Lanka ayaa saakay u dareeray goobaha codbixinta si ay u doortaan madaxweyne ka saari kara dhaqaala xumada ka jirta dalkaas ee sababtay in madaxweyne Gotabaya Rajapaksa u baxsado dibadda.

Goobaha codbixinta ayaa la furay 7-dii subaxnimo ee waqtiga maxalliga ah, iyada oo ay xaq u leeyihin inay ka qaybqaataan doorashada qiyaastii 17 milyan oo qof kuwaas oo kala dooran doona 38 murashax oo xilka ku taagan.

Itoobiya

Qaamada Midoobay ayaa sheegtay in afartii bilood ee la soo dhaafay ay kor u kacday tirada dadka ku barakacaya gudaha gobolka Amxaarada.

Colaadda ka jirta gobolkaas ayaa sababtay inay noloshu ku adkaado dadka kuwaas oo u baahan in la gaarsiiyo kaalmo degdeg ah .

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here