Sunday, September 22, 2024

Israel oo xirtay xafiiska Aljazeera ee Ramallah

Falastiin (Dawan)- Ciidamada Israel ayaa xoog ku galay xafiiska Aljazeera ee magaalada Ramallah, waxayna ku qasbeen shaqaaalihii ku sugnaa inay joojiyaan shaqada kana baxaan xafiiska.

Ciidamadu waxa ay sidoo kale soo saaraan go’aan manuucaya in xafiisku shaqeeyo muddo 45 maalin ah, waxayna ciidamadu qaateen dhamaan qalabkii xafiiska, sida ay sheegeen wakaaladda wararka Falastiin iyo TV-ga Aljazeera.

Muuqaalo uu baahiyay TV-ga Aljazeera ayaa muujinayay ciidamo aad u hubeysan oo gudaha u galay xafiiska , waxayna agaasimaha xafiiska, Waliid Al-cumari ku wareejinayaan amar ciidan oo ah in la xiro xafiiska muddo 45 maalmood ah.

Ciidamada Israel ayaa joojiya baahinta wararka ee xafiiska, waxayna sidoo kale shaqaalaha u diideen inay isticmaalaan gawaaridooda ama inay ku howlgalaan waddooyinka, sida uu sheegay Waliid Al-cumari

Xiritaanka xafiiska Aljazeera ee Ramallah ayaa kusoo beegmaya 4 bilood kadib markii ay Israel sidaan oo kale u xirtay xafiiskii magaalada Qudus.

Israel waxay u aragtaa in wararka uu sii daayo TV-ga Aljazeera ee laga leeyahay Qatar inay dhib ku yihiin amnigeeda, taas oo keentay in albaabda la isagu laabo xafiisyadiisa, sida laga soo xigtay Idaacada ciidamada Israel.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Falastiin ayaa xiritaanka xafiiska TV-ga Qatar ee Aljazeera ku tilmaamtay mid xadgudub ku ah sharciyada caalamiga ah.

Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ayaa si aqlabiyad ah ku ansixiyay, qaraarkii ugu horreeyay oo ay Falastiin soo gudbiso, kaas oo ay ku dalbtay in Israel uga baxdo dhulka ay haysato muddo 12 bilood gudahood ah.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here