Sunday, September 22, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay maanta magaalada New York ee xarunta Qaramada Midoobay oo ay kaga qaybgalayan Kalfadhigga 79aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.

Sanadkan waxaa shirka looga hadli doona horumarinta nabadda, xaqiijinta horumar waara iyo ilaalinta sharafta bini’aadamka jiilalka maanta iyo kuwa mustaqbalka.

Masar

Dowladda Masar waxay muwaadiniinta uga digtay inay u safraan Somaliland, waxayna ugu baaqday kuwa hadda ku sugan inay uga soo baxaan sida ugu dhaqsiyaha badan, iyaga oo adeegsanaya garoonka diyaaradaha ee Hargeysa.

Tillaabadan ayaa kusoo aadeysa todobaad kadib markii Somaliland ay albaabada isagu laabtay Maktabadda Dhaqanka Masar ee Hargeysa, iyada oo shaqaalaha ka howlgalana u qabtay inay Somaliland uga baxaan 72 saacadood gudahood.

Jabuuti

Golaha Sare ee Bangiga Adduunka ayaa ansixiyay $90 milyan oo dheeri ah oo lagu maalgelinayo Mashruuca Geeska Afrika ee Waddada Dhaqaalaha Goboleedka Jabuuti.

Mashruucani oo ah hindase ballaaran lana billaabay sanadkii 2019kii, waxa loogu tala galay inuu qayb ka qaato isku xirka iyo is dhexgalka gobolka Geeska Afrika, waxaana ka faa’iideysan doona Jabuuti, Eretria, Itoobiya, Kenya iyo Soomaaliya.

Itoobiya

Hoggaanka sare ee Xisbiga xukumada Itoobiya ee Barwaaqo ayaa kormeer ku tegay Barnaamijka wax soosaarka ee ka socda magaalada Adaama.

Sida ay Itoobiya qorsheyneyso, Barnaamijka wax soosaarku wuxuu door weyn ka ciyaari doonaa xaqiijinta isku filnaasho xagga cunnada ah iyo hormarinta nidaamka wax soosaarka cunnada.

Jarmalka

Ku dhawaad ​​2 milyan oo Jarmal ah ayaa codkooda ka dhiibanaya doorashada maamul goboleedyada ee ka dhacaysa gobolka bari ee Brandenburg. Xisbiga ka soo horjeeda qaxootiga ee (AfD) ayaa la filaya inuu guul ka gaaro doorashada, iyada oo xisbiga Social Democrats (SPD) uu kusoo xigi doono.

Mali

Dalka Mali ayaa u dabaaldagaya sanad guuradii 64-aad ee ka soo wareegtay markii ay xornimada ka qaateen gumeystihii Faransiiska.

Ghana

Guddiga doorashooyinka Ghana ayaa soo saaray liiska murashaxiinta u tartamaya xilka madaxtinimada kuwaas oo gaaraya ilaa 13 musharrax.

Doorashda waxaa loo dareeri doona 7-da December, iyada oo la filayo inuu tartan adag dhexmari doono madaxweyne ku xigeenka Mahamudu Bawumia iyo madaxweynihii hore John Dramani Mahama.

Israel

Madaxweynaha Israa’iil Isaac Herzog ayaa beeniyay in Tel Aviv ay ku lug leedahay qaraxyadii gaystay dhimashada iyo dhaawaca ee qalabka isgaarsiinta kooxda Xisbullaah.

Beenitaan ayaa ah hadalkii ugu horeyay ee ku saabsan qaraxyada kana soo baxa mas’uul Israel ah.

Falastiin

Ciidamada Israel waxay duqeyn cirka ah iyo weeraro dhulka ah ku dileen tan iyo markii uu billaawday dagaalka Gaza in ka badan 41 kun iyo 391 qof halka uu dhaawac soo gaaray in ka badan 95 kun iyo 760 Falastiiniyiin ah, kuwaas oo u badan haween iyo carruur.

Daanta Galbeed, waxay Israel ku dishay ku dhawaad 716 qof oo ay ku jiraan 143 carruur ah, halka ay dhaawacmeen in ka badan 5,700 kale, iyadoo xabsiga loo taxaabay dad ka badan 10 kun iyo 200 oo qof, oo ay ka mid yihiin 53 wariye tan iyo 7-dii October 2023.

Tirada askarta Israel looga dilay dagaalka ayaa gaartay 715 , halka dhaawacana lagu sheegay 4,466, askari.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here