Sunday, September 22, 2024

Biixi: “Ma ogi xilliga MoU-ga heshiis loo bedeli doono”

Hargeysa (Dawan)- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay inuusan ogayn xilliga is-afgardkii uu la galay Itoobiya loo bedeli doono heshiis dhamaystiran balse uu kalsooni ku qabo in labada dhinac ay wada saxiixi doonaan heshiiska.

“Ma aqaano waqtiga dhabta ah, laakiin labada dal waxay diyaar u yihiin inay qalinka ku duugaan heshiiska” sidaas waxa uu ku sheegay wareysi uu siiyay TV-ga Al-Carabiya.

Biixi waxa uu sheegay in Itoobiya ay dooneyso inay hesho marin badeed, halka Somaliland ay muhiim u tahay inay noqoto dal la aqoonsanyaahy, sidaasna ay ku heshiiyeen in dhinac kasta uu helo waxa uu doonayo.

“Waxaan saxiixnay heshiis is-afgarad ah. Dowladdu (Somaliland) waxay mudnaan siineysaa sidii ay uga mira dhalin leheed danaheeda qaranimo iyo sidii ay u heli lahayd aqoonsi caalami ah. Itoobiya iyadu waxaa mudnaanta koowaad u leh sidii ay u heli leheed marin badeed. Kulan ayaan ka yeelanay, aan arrintaas uga wada hadalnay , sida aan sheegayna muhiimadeenu waxay tahay in la aqoonsado dowladdeena, diyaar ayaana u ahayn inaan siino marin badeed hadddii ay aqoonsadaan dowladnimadeena”

Madaxweynaha Somaliland ayaa intaas ku daray in heshiiskaas uu yahay mid dan u ah gobalka marka la eego dhinacya badan ” Waxaan aaminsanahay in heshiiskani uu noqon doono mid dan u ah Geeska Afrika marka la eego dhinacyada amniga, xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga ganacsiga”

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here