Monday, September 23, 2024

Boliiska Puntland oo ka warbixiyay xaaladda amni ee Boosaaso

Boosaaso (Dawan)- Taliska Ciidanka Booliiska ee Gobolka Bari ayaa war ka soo saaray xaaladda amniga ee magaalada Boosaaso, iyagoo xaqiijiyay in magaalada ay ku sugan tahay xasillooni iyo amni buuxa.

Taliska ayaa beeniyay warar sheegaya inay jirto xiisad ka taagan magaalada, iyagoo sheegay in ciidanka amniga ay si caadi ah u wadaan shaqooyinkoodii joogtada ahaa ee sugidda nabadgelyada, sida roondooyinka iyo baaritaannada amniga.

Taliska ayaa carrabka ku adkeeyay in aysan jirin wax ciidamo ah oo fulinaya howl-gal gaar ah ama ciidamo iska hor imaadyo ku jira, iyagoo ugu baaqay shacabka Boosaaso inaysan rumaysan wararka been abuurka ah ee la faafinayo, lana shaqeeyaan ciidamada amniga ee ilaalinaya nabadda magaalada.

Shacabka magaalada Boosaaso ayaa lagu wargeliyay inay ku kalsoonaadaan ciidamada amniga, kuwaas oo si joogto ah uga shaqeynaya ilaalinta nabadgelyada magaalada.

Boosaaso waxaa isbuucyadii lasoo dhaafay ka taagnaa xaalado amni oo sababay in shaqadii garoonka diyaaradaha Boosaaso ay gashay hakad ka dib markii loo diiday ciidamo ka tirsan PSF inay ka dhoofaan garoonka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here