Monday, September 23, 2024

Somaliland: Hubka ay Soomaaliya heshay waxa uu curyaaminya xasiloonada gobolka

Hargeysa (Dawan)- Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa walaac ka muujisay hub ay sheegtay inuu ka yimid Masar oo soo gaaray Muqdisho, waxayna tilmaamtay inuu curyaaminayo xasiloonida gobolka oo marki horaba aaan ku taaganayn cago badan.

Hadalka Somaliland ayaa kusoo beegmaya iyada oo xalay uu dekadda Muqdisho kusoo xirtay markab dagaal oo ka yimid kaas oo sida wararku sheegayaan keenay hub iyo saanad ciidan.

Wasiirka difaaca Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur oo ah mas’uulka kaliya ee arrintaan faaallo ka bixiya ayaa sheegay in “Soomaaliya ay ka gudubtey marxaladii la dhihi jirey cidaad la macaamileyso waa inaan anagu raali ka nahay” 

War-saxaafadeedka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa lagu muujiyay suurtagalnimada ah in hubkaas uu gacanta u galo kooxa kasoo horjeeda dowladda ama maleeshiyaad beeleed taas oo abuuri karta halis ballaaran oo saamayn ku yeelata gobolka.

Somaliland ayaa ugu baaqday beesha caalamka inay qaaddo tillaabooyin looga hortegayo dhibaatada ka dhalan karta hubkaas, iyada oo dhankeeda xaqiijisay inay diyaar u tahay inay ka qayb qaadato nabadda iyo xasiloonida gobolka.

Waxaa cirka isku soo shareeraya xiisada ka taagan Geeska Afrika, iyada oo Soomaaliya ay ku eedeysay dhawaan Itoobiya inay si sharci darro ah hub u siisay dowladda goboleedyada, tillaabadaas oo ay ku tilmaamtay mid xadgudub ku ah madaxbannaanideeda iyo shuruucda caalamiga ah.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here