Tuesday, September 24, 2024

Kalfadhiga 79-aad ee Qaramada Midoobay oo maanta billaabanaya

New York (Dawan)- Kalfadhiga 79-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay oo ah shirka diblomaasiyadeed ee ugu weyn ee dunida ayaa maanta oo Talaada ah ka furmaya magaalada New York ee dalka Mareykanka.

Shirka oo socon doona 24ka ilaa 30ka bishaan, waxaa furaya Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres, waxaana shir guddoomin doona Madaxweynaha Cameroon Philemon Yong.

Sanadkan waxaa ka khudbad ka jeedin doona shirka 76 madaxweyne, afar madaxweyne ku xigeen, labo amiir, 42 ra’iisul wasaare, 9 ra’iisul wasaare ku xigeen, 54 wasiir, hal wasiir ku xigeen iyo lix kale oo ergo ah.

Tiradaas waxaa haween ka ah kaliya 19

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, Amiirka Qatar, Sheikh Tamim bin Hamad al-Thani, iyo Madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa ayaa ku jira madaxda khudbadahooda jeedin doonta maanta.

Dagaalada ka socda Bariga Dhexe, Ukraine, Haiti iyo Suudaan ayaa ka mid ah ajendaha shirka oo halku dhig looga dhigay sanadkna inaan “Cidna laga tagin” oo si wadajir ah caalamku uga wada shaqeeyo horumarinta nabadda, xaqiijinta horumar waara iyo ilaalinta sharafta bini’aadamka jiilalka maanta iyo kuwa mustaqbalka.

Soomaaliya waxaa ku metelaya ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, isaga oo ka hadli doona doorka muhiimka ah ee qaaradda Afrika ee dejinta ajendayaasha caalamiga, iyadoo si gaar ah xoogga loo saari doono ahmiyadda midnimada iyo kala duwanaanshaha oo aasaas u ah helitaanka nabad iyo horumar waara.

Hogaamiyayaasha ayaa sidoo kale la filayaa in ay yeeshaan wadatashiyo ku saabsan arrimo kala duwan iyo kulamo gaargaar ah oo quseeya danaha dalalkooda.

Khudbadihii taariikhda galay

Shirarka Golaha Guud ee Qaramada Midbaay waxaa la qabtaa sanad kasta laga soo billaabo 1946. Madaxda waxaa loo ogolyahay inay khudbadoodaa kusoo koobaan 15 daqiio laakin waxaa dhacda inay ka badan hadlaan.

Khudbaddii ugu dheereed ee Golaha waxay ahayd tii uu jeediyay Madaxweynihii Cuba Fidel Castro oo qaatay 296-daqiiqo 1960-kii, waxaa ku xigtay khudbad 100-daqiiqo ahayd oo uu jeediyay madaxweynihii Liibiya Mucamar Al-Qadaafi sannadkii 2009-kii, isaga oo ugu dambayn jeexjeexay Axdiga Qaramada Midoobay.

Waxaa iyaduna lawada xasuustaa markii Madaxweynihii hore ee Midowgii Soofiyeeti Nikita Khrushchev uu feer iyo kabtiisa kala daalay miiska ka dib markii uu ka caroooday khudbaddii Filibiin 1960kii.

Khudbaddii Madaxweynihii hore ee Venezuela Hugo Chavez 2006 ayaa sidoo kale si joogta ah maskaxda ugu soo dhacda, kadib markii uu ku tilmaamay Madaxweynihii hore ee Mareykanka George W. Bush, inuu yahay Sheydaan.

Inta badan, waxaa la arkaa, inta khudbaduhu socdaan wafuud ka baxaysa shirka marka ay khudbaynayaan madaxda dowlado uu khilaaf ka dhaxeeyo.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here