Tuesday, September 24, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Muqdisho

Hay’adda Isgaarsiinta oo kaashanaysa Ururka Isgaarsiinta Caalamiga ah ayaa daahfurtay kulan ku saabsan Fulinta Qorshaha Qaran ee Isgaarsiinta Xaaladaha Degdegga ah.

Hiigsiga qorshahan ayaa ah in la dhisno kaabayaal isgaarsiineed oo adkeysi leh, kuwaas oo si wax ku ool ah uga jawaabi kara xaaladaha degdega ah islamarkaana kor u qaadi kara awoodda maaraynta musiibada, hababka digniinaha iyadoo la isticmaalayo shabakadaha isgaarsiinta .

Hargeysa

Golaha Wakiillada Somaliland ayaa u gudbiyey Maxkamadda sare, dacwad ka dhan ah xariga Xildhibaan Maxamed Abiib oo dhowr todobaad ku xiran xabsiga Mandheera.

Jabuuti

Wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa la kulmay mas’uuliyiin ka tirsan Mareykanka oo uu ka mid yahay Mike Hammer oo ah ergeyga Mareykanka ee Geeska Afrika iyo Polly Phee oo ah kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka ee Afrika.

Labada dhinac ayaa ka hadlay horumarinta nabadda iyo xasilloonida Geeska Afrika iyo Badda Cas.

Itoobiya

Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya Taye Atske-Selassie ayaa walaac ka muujiyay hubka ay Masar siisay dowladda Soomaaliya, isaga oo ku tilmaamay inay uga sii dari doonto xasiloonida gobolka.

UN

Kalfadhiga 79-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay oo ah shirka diblomaasiyadeed ee ugu weyn ee dunida ayaa maanta oo Talaada ah ka furmaya magaalada New York ee dalka Mareykanka.

Shirka oo socon doona 24ka ilaa 30ka bishaan, waxaa looga hadli doona dagaalada ka socda Bariga Dhexe, Ukraine, Haiti iyo Suudaan iyo sidii looga wadashaqayn lahaa wax ka qabashadooda.

UN

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa yeelanaya kulan xog-wareysi ah oo ku saabsan xaaladda Ukraine. Faransiiska, Japan, Malta, Kuuriyada Koonfureed, UK, iyo Mareykanka ayaa codsaday kulanka. Ra’iisul wasaaraha Slovenia Robert Golob ayaa la filayaa inuu shir gudoomiyo kulanka, iyadoo xoghayaha guud Antonio Guterres uu warbixin siin doono golaha.

Koonfurta Suudaan

Xukuumadda ku meel gaarka ah ee Koonfurta Suudaan ayaa u soo bandhigtay baarlamaanka miisaaniyad sanadeedka dalkaas oo dib u dhac ku yimid.

Sri Lanka

Madaxweynaha cusub ee Sri Lanka Anura Kumara Dissanayake ayay la filaya inuu kala diro baarlamaanka kuna baaqo doorashooyin cusub. Waxaa sidoo kale laga sugaya inuu soo magacaabo Golihiisa Wasiirada.

Japan

Japan ayaa Moscow ku eedaysay inay saddex jeer ku soo xadgudubtay hawadeeda hal maalin gudaheed, iyadoo militariga Ruushka iyo Shiinaha ay dhoolatusyo ka sameynayaan badda Japan. Diyaarada milatariga Japan ayaa diray fariintaa digniinta .

Lubnaan

Wasaaradda caafimaadka ee Lubnaan ayaa ku dhawaaqday in tirada dadka ku dhintay weerarradii Israel ay ka geysatay dalkaas ay gaartay 558 dhimasho ah oo ay ku jiraan carruur iyo haween, halka 1,835 ay ku dhaawacmeen.

Falastiin

Ciidamada Israel waxay duqeyn cirka ah iyo weeraro dhulka ah ku dileen tan iyo markii uu billaawday dagaalka Gaza in ka badan 41 kun iyo 455 qof halka uu dhaawac soo gaaray in ka badan 95 kun iyo 878 Falastiiniyiin ah, kuwaas oo u badan haween iyo carruur.

Daanta Galbeed, waxay Israel ku dishay ku dhawaad 716 qof oo ay ku jiraan 143 carruur ah, halka ay dhaawacmeen in ka badan 5,700 kale, iyadoo xabsiga loo taxaabay dad ka badan 10 kun iyo 200 oo qof, oo ay ka mid yihiin 53 wariye tan iyo 7-dii October 2023.

Tirada askarta Israel looga dilay dagaalka ayaa gaartay 715 , halka dhaawacana lagu sheegay 4,471, askari.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here