Tuesday, September 24, 2024

Itoobiya oo muujisay walaaca ay ka qabto hubka ay heshay Soomaaliya

Addis Ababa (Dawan)- Taye Atske-Selassie, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Itoobiya, ayaa walaac ka muujiyay hubkii dhawaan soo gaaray Soomaaliya, isagoo tilmaamay inay tahay arrin uga sii dari doonta amaanka aan cagaha adag ku taagnayn ee gobolka.

Wasiirka ayaa ka digay in saanadda ciidan ee ay bixiyaan waxa uu ku tilmaamay awoodo shisheeye inay gacanta u gasho kooxo argagixiso ah.

Walaacaan ayuu muujiyay wasiirku xilli uu magaalada New York kulan kula qaatay ku xigeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Rosemary DiCarlo.

Hadalkan ayaa imaanaya maalin kadib markii ay dowladda Masar ay soo gaarsiisay Muqdisho hub iyo saanad ciidan oo kala duwan taas oo lagu tilmaamay tii ugu ballaarneyd tan iyo markii Soomaaliya laga qaaday cunaqabatayntii hubka bishii December 2023.

Shixnadaha ayaa la sheegay inay ku jireen qoryaha daran-dooriga u dhaca, kuwa lidka taangiyada, iyo baabuurta gaashaaman, taasoo qayb ka ahayd heshiis dhinaca difaaca ah oo ay Masar iyo Soomaaliya kala saxiixdeen bishii August 2024-kii.

Dowladda Masar ayaa shalay xaqiijisay inay Soomaaliya  gaarsiisay kaalmo military oo looga gol  leeyahay in lagu xoojiyo  awoodda ciidamada Soomaaliya

“ Iyada oo laga amba qaadayo taageerada Masar ee lagu xaqiijinayo xasiloonida Soomaaliya, la dagaalanka aragagixisada iyo ilaalinta midnimada dhuleed ee Soomaaliya, waxaa Muqdisho gaaray shixnad kaalmo military oo loogu tala galay in lagu xoojiyo awoodda ciidanka Soomaaliya”  Sidaas waxaa lagu yiri; war-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Masar.

Wasiirka difaaca Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur oo ah mas’uulka kaliya ee arrintaan hubka faaallo ka bixiya ayaa sheegay in “Soomaaliya ay ka gudubtey marxaladii la dhihi jirey cidaad la macaamileyso waa inaan anagu raali ka nahay” 

Share this article

Recent posts

Previous article

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here