Wednesday, September 25, 2024

Turkiga oo sahminaya mashaariicda maalgashiga ee bartamaha Soomaaliya

Dhuusamareeb (Dawan)- Turkiga ayaa sahamin ku sameynaya mashaariic cusub oo maalgashi oo laga hirgeliyo Dowlad Goboleedka Galmudug ee bartamaha Soomaaliya, sida uu Talaadadii sheegay safiirka Turkiga ee Soomaaliya.

Wafdi uu hogaaminayo Safiirka Turkiga u jooga Soomaaliya Alper Aktas ayaa markii ay gaareen magaalada Dhuusmareeb ee Caasimadda Galmudug waxa ay kulamo la qaateen Madaxweynaha Maamulkaas Axmed Cabdi Kaariye oo ay wehliyaan qaar ka mid ah Golihiisa Wasiirada.

Waxa ay ka wada hadleen sidii loo hirgelin lahaa mashaariicda kaabayaasha dhaqaalaha ee Dowlad Goboleedka Galmudug iyo kor u qaadida kaalinta maalgashiga Turkiga.

“Intii uu socday kulanka, waxaan yeelannay wadatashiyo miro dhal ah oo diiradda lagu saaray tallaabooyinka lagu horumarin karo kaabayaasha dhaqaale ee Galmudug iyo kaalinta Turkiga ee maalgashiga iyo dib u dhiska gobolka.,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay safaaradda Turkiga ee Muqdisho.

Qoraal kooban oo kasoo baxay dhanka Galmudug waxaa lagu sheegay, in labada dhinac ay ka wada hadleen xaaladda guud ee dalka, la dagaalanka argagaxisada iyo taageeridda kaabayaasha dhaqaalaha sida Dekadaha iyo Waddooyinka.

Turkiga oo saaxiib dhow la ah Soomaaliya sanadihii ugu dambeeyay , waxa uu Soomaaliya ka taageeray dhinacyada waxbarashada, kaabayaasha dhaqaalaha iyo caafimaadka, isagoo sidoo kale bixiyay gargaar bani’aadamnimo oo ballaaran.

Dhanka ciidamada, Turkigu waxa uu tababaray in ka badan 16,000 oo askari oo Soomaali ah, una dhiganta saddex meelood meel ka mid ah ciidamada milateriga ee Soomaaliya, kuwaas oo isugu jira kuwa lagu soo tababaray Turkiga iyo saldhigga Muqdisho ee loo yaqaan Turksom.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here