Saturday, September 28, 2024

Fiqi oo loo jeediyay eedeymo culus lagana gudbiyay mooshin

Muqdisho (Dawan)- Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ayaa eedeymo culus u jeediyay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, iyaga oo sidoo kalena soo jeediyay in dib eegis lagu sameeyo xilkiisa, sida ku cad codsiga ay u gudbiyeen gudoonka Golaha Shacabka.

Eedeymaha loo jeddiyay Fiqi waxaa ka mid ah curyaaminta shaqo ee wasaaradda, kadib markii uu amaray in mas’uuliyiinta kale ee wasaaradda aysan saxiixi karin wax warqad ah, taas oo keentay in hakad ku yimaado shaqadii wasaaradda sida ay sheegeen xildhibaanadu.

“Mudane guddoomiye, markaan aragnay in wasiirka wasaaradda uu curyaamiyay shaqadii wasaaradda, oo uu amar ku siiyay Wasir Dowlaha, Wasiir ku xigeenka, Xoghayaha Joogtada iyo agaasimayaasha kale in mas’uuliyaddi ay qaranka u hayeen aysan wargad ku saxiixi karın, taasoo ay ka dhalatay wasiirka muddada uu safarka jiro wax shaqa ah in aysan ka soconin wasaaradda, taasoo khilaafsan sharuucda dalka iyo hanaanka dowliga ah” ayaa lagu yiri, mooshinka ay gudbiyeen xildhibaanadu oo Dawan TV uu helay.

Arrimaha kale ee lagu eedeeyay wasiirka waxaa ka mid ah in qaybo ka mid ah adeegyadii wasaaradda loo xiray shirkado gaar loo leeyhay kuwaas oo lacago dheeri ah ka qaada shacabka iyaga oo aan lacagtaas ku shibin qasanadda dowladda.

“Markaan ogaanay qeybo ka mid ah shagadii wasaaradda on ay ka mid tahay tasdiqinta waraaqaha in la siiyay shirkado gaar loo leeyahay, kuwaaso goobo gaar loo leeyahay ku isticmaalaya shaabaddii wasaaradda, isla markaana lacaga dheeri ah la saaray shacabka, inta badan lacagtaas aysan ku dhacaynin qasnadda dowladda”.

Axmed Macallin Fiqi, ayaa loo magacaabay Wasiirada Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Soomaaliya bishii April ee lasoo dhaafy kadib markii uu baneeyay Abshir Cumar Haruuse oo u tartamay doorashadii madaxtinimada Puntland

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here