Sunday, September 29, 2024

Xasan Sheekh: Itoobiya waxay la wareegtay garoomada Gedo

Muqdisho (Dawan)- Madaxweyne Xasan Sheekh oo wareyi siiyay TV-ga Aljazeera ee laga leeyahay Qatar ayaa sheegay in Itoobiya ay la wareegtay garoomada diyaaradaha ee goboka Gedo, iyada oo marmarsiiyo ka dhiganaysa in Masar qabsan doonto garoomadaas.

Madaxweynaha oo wax laga waydiiyay xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya, dagaalka Suudaan iyo xaaladda Bariga Dhexe, waxaa ugu muhiimsana hadalkiisa qodobada soo socda;

xiisadda Itoobiya:

  • Itoobiya waxay qabsatay dhamaan waddooyinka laga soo galo garoomada diyaaradaha ee gobolka Gedo, iyada oo maramsiinyo ka dhiganaysa in Masar qabsan doonto.
  • Ma jirto sabab sharci ah oo ay Itoobiya ku aqoonsan karto waxa la yiraahdo Somaliland
  • Waxaa noo furan waddo kasta haddii Itoobiya ay isku daydo inay qabsato qayb ka mid ah dhulkeenna
  • Itoobiya waxay fureysa albaabka sharta, waxayna horseedi doontaa qalalaase.
  • Itoobiya awood uma laha inay dhisto saldhigyo ciidan iyo waddooyin waaweyn, waxaana aaminsanahay inay jiraan dalal dano leh oo gadaal ka riixaya Itoobiya
  • Itoobiya waxay si sharci darro ah hub u siisay kooxo iyo qabaa’il dega gobollada xadka
  • Waxaan isku haynaa Itoobiya inay dooneyso qabsashada dhul Soomaaliyeed oo ay ka dhigato saldhig ciidan, mana aqbalayno
  • Itoobiya waxay jebisay dhammaan shuruucdii iyo xeerarkii dunida, waxayna mas’uul ka tahay xasillooni darrada ka jirta gobolka
  • Itoobiya waxay u taagan tahay inay xasillooni darro ka abuurto gobolka

    Xaaladda Suudaan
  • Xaaladda Suudaan aad baan uga walaacsanaahay, waxaana diyaar u nahay inaay ka taageerno sidii xal looga gaari lahaa  
  • Ma jirto cid aan la jirno labada dhinac,  waxaanan aad u danaynaynaa in xiisadda taagan lagu dhammeeyo wadahadal
  • Waxaan Al-Burhaan iyo Xemedti ugu baaqaynaa inay dagaalka joojiyaan, aqbalaana baaqyada lagu doonayo in Suudaan lagu  badbaadiyo.
  • Ma taageereyno afgambi militari, waana in wadamada Afrika ay qaataan xal dimoqraadi ah oo keena xasilooni iyo nabad

    Dagaalka Bariga Dhexe
  • Waxaan aaminsanahay in xalku ku jiro labada dawladood, taasoo u sahlaysa Falastiiniyiinta inay helaan dal madax bannaan
  • Aad ayaan uga xunahay waxa Gaza ka socda, waxa Israel sameynaysana waxay mudanyihiin in la cambaareeyo.
  • Beesha caalamku waa inay cadaadis dheeraad ah saartaa Israel si ay joojiso dagaalka loona wada fadhiisto miiska wadahadalka.
  • Aad iyo aad ayaan uga xunahay waxa ka socda badda cas oo saamayn ku leh horumarka dalkeena, nabadgelyadeena iyo xasiloonideena
  • Nagulama casuumin inaan ka qaybqaadano Hawl-galka ilaalinta xeebaha (ka dhanka ah Xuutiyiinta) basle waxaan door bidaynaa in la gaaro xal siyaasadeed.



Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here