Sunday, September 29, 2024

Jabuuti oo saldhig u noqoneysa diyaaradda kormeerka hawlgalka Atlanta

Jabuuti (Dawan)- VIGMA D-4, oo ah diyaarad loogu talagalay kormeerka iyo la socodka badda, ayaa shaqadeeda cusub ka bilowday Hawlgalka Midowga Yurub ee loo yaqaano “Operation ATALANTA” ee ka socda Waqooyiga iyo Galbeedka Badweynta Hindiya.

Duullimaadkeedii ugu horreeyay ayaa la sameeyay toddobaadkan iyadoo diyaaradda ay saldhig ka dhigatay Jabuuti, taas oo muhiim u ah kormeerka iyo xaqiijinta amniga marinnada ganacsiga ee gobolka.

Diyaaraddu waxay kaalin muhiim ah ka ciyaareysaa sugidda amniga badda, iyadoo si joogto ah ula socota dhaqdhaqaaqa badaha iyo ilaalinta maraakiibta ganacsiga ee ku safra biyaha u dhow xeebaha Soomaaliya iyo inta kale ee Geeska Afrika.

Hawlgalka Midowga Yurub , oo bilaawday sannadkii 2009, ayaa ilaa iyo hadda si gaar ah xoogga u saaray la dagaallanka burcad-badeedda iyo ilaalinta maraakiibta Badda Cas iyo kuwa kale ee sida gargaarka bini’aadanimo.

In ka badan 15 sano ayuu socday howlgalkan, laakin hadda waxa uu sii yeeshay muhiimad gaar ah kadib markuu qarxay dagaalka Bariga Dhexe taas oo keentay in kooxda Xuutiyiinta ee Yemen ay ka fuliso badda howlgallo ka dhan ah maraakiibta u socda Isarel ama laga leeyahay.

Diyaaradda VIGMA D-4 ayaa ee Hawlgalka ATALANTA, ayaa sameysa duulimaadyada kormeerka ah ee gobolka oo dhan, si looga hortago wax kasta oo halis ku ah amniga badda iyo nabadgelyada dadka safarka ku mara badahaas.

Jabuuti ayaa goob istiraatiiji u ah ganacsiga gobolka iyo caalamaka taas oo keeneysa inay ka qayb qaadato tillaabooyiinka looga hortegayo khataro sii kordhaya ee la xiriira amniga badda taas oo ay sababeen dagaalada ka socda Bariga Dhexe.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here