Monday, September 30, 2024

Daadadka ku dhuftay Nepal oo sababay dhimashada ku dhawaad 200 oo qof

Nepal (Dawan)- Dhimashada daadad iyo dhul go’ ay sababeen roobabkii isdaba jooga ahaa ee ka da’ay dalka Nepal ayaa gaartay 170 qof , sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha gudaha ee Nepal. Wasaaradda ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in 111 qof ay ku dhaawacmeen, 42 kalena la la’yahay, iyadoo xustay in ilaa 4,000 oo qof la soo badbaadiyay.

Mas’uuliyiinta Wasaaradda Tamarta, Kheyraadka Biyaha iyo Waraabka oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in Warshadihii Korontada ay waxyeello xooggan gaarsiiyeen daadadkas, iyadoo khasaaraha lagu qiyaasay 32.6 Milyan oo Doollarka Mareykanka ah. Sida ay sheegeen saraakiishu, daadadku waxay waxyeello u geysteen 11 warshadood oo korontada laga dhaliyo, taas oo keentay in deegaanada qaar ay noqdaan koronto la’aan

Wasaaradda Gaadiidka ayaa dhankeeda sheegtay in daadadku sababeen in ay xirmaan 47 waddo oo waawayn taas oo saameyn ku yeelatay isu socodka iyo in loo gurmado dadka ay dhibaatadu soo gaartay. Waxaa xusid mudan in dalka Nepal uu ka da’ay roob ka badan intii la filayay sanadkan, kaasoo billowday 10-kii bishii June ee la soo dhaafay.

Waaxda saadaasha hawada ee dalka Nepal ayaa xaqiijisay in caasimadda uu ka da’ay roob lagu qiyaasay 240 mm 24 saac ee lasoo dhaafay. Roobka hadda ka da’aya Nepal ayaa ah roobkii ugu badnaa ee laga diiwaan geliyo caasimadda tan iyo 1970-kii.

Masiibooyinka ka dhasha roobabka ayaa ku badan Koonfurta Aasiya inta lagu jiro xilliga dabeylaha ee bilaha Juun ilaa Sebtembar, laakiin khubarada ayaa sheegaya in isbeddelka cimiladu ay sii kordhinayaan halista masiibooyinka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here