Monday, September 30, 2024

Midowga Yurub oo € 9 milyan ku taageeray miisaaniyadda Soomaaliya

Muqdisho (Dawan)- Dowladda Soomaaliya ayaa ka heshay Midowga Yurub lacag ballan qaad ah oo dhan Sagaal Milyan oo Yuuro taas oo loogu tala galay in lagu kabo miisaaniyadda dowladda.

Taageeradan lacageed ayaa lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay maanta xafiiska Midowga Yurub ee magaalada Muqdisho kadib markii uu soo dhamaaaday kulan u dhexeeyay wasaaradda maaliyadda iyo mas’uuliyiinta xafiiska Midowga Yurub ee Soomaaliya.

Maalgelintan cusub waxaa loogu tala galay in lagu taageero dadaallada dowladda ee lagu kobcinayo dakhliga gudaha, Faderaaleynta Hanaanka Maaliyadda Dalka iyo horumarinta adeegyada Waxbarashada loo dhanyahay.

Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Marwo Karin Johansson ayaa tiri: “Bixinta lacagtan lagu taageerayo miisaaniyadda waxay muujineysaa taageerada xooggan ee Midowga Yurub ee horumarka ay Soomaaliya sameysay si xilkasnimo iyo hufnaan ku dheehan tahay. ” iyada oo intaas raacisay sida Midowga Yurub ay uga go’an tahay taageerada horumarinta Soomaaliya iyo hirgelinta qorshaha wadajirka ah ee Midowga Yurub iyo Soomaaliya.

Dhankiisa, Wasiirka Maaliyadda Biixi Iiman Cige, ayaa tilmaamay muhiimadda ay taageerada Midowga Yurub u leedahay dib-u-habaynta maamulka maaliyadeed , si loo xoojiyo bixinta adeegyada aasaasiga ah ee bulshada, isaga oo xusay in xukuumaddu dadaal heeri ah galisay si loo horamariyo dhaqaalaha dalka.

Marka la eego barnaamijyada taageerada maaliyadeed, waxaa miisaaniyadda Soomaaliya lagu kabay lacag dhan €101.4 milyan tan iyo 2018.

Hannaanka taageerada miisaaniyada Midowga Yurub waxa uu ka caawiyay Soomaaliya in ay gaarto heerka HIPC ee dhammaystirka dayn cafinta iyo hubinta hirgelinta hawlaha asaasiga ah ee hay’adaha dowladda.

Midowga Yurub waxa uu ballan qaaday in uu sii wadi doono taageerada horumarinta dhaqaalaha iyo maamulka maaliyadda ee Soomaaliya iyada oo loo marayo taageerada miisaaniyadeed iyo kaalmada farsamo ee joogtada ah.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here