Monday, September 30, 2024

Shirka waxbarashada dowlad deeganka Soomaalida oo Jigjiga ka furmay

Jigjiga (Dawan)- Magaalada Jigjiga ee caasimadda dowlad deeganka Soomaalida waxaa maanta ka furmay shirwaynaha 33-aad ee waxbarashada, iyada oo looga hadli doono maalmaha uu socodo kor u qaadidda tayada waxbarashada deegaanka.

Sannadkan waxaa halku dhig loo qaatay “Mustaqbalka Deegaanku waxaa uu ku xidhan yahay Dhisidda Jiil aqoonleh”, waxaana goob joog ka ahaa furitaanka shirka mas’uuliyiin isagu jira heer federal, heer deegaan ah, maamullada gobollada, magaalooyinka iyo degmooyinka Deegaanka.

Madaxweyne kuxigeenka dowlad deeganka Soomaalida, ibraahim Cusmaan Faarax oo ka hadlay furitaankii shirweynaha 33aad ee Waxbarashada Deegaanka ayaa sheegay in Xukuumadda Deegaanku ay daddaal ugu jirto soo saarista jiil wax bartay oo tayo leh iyada oo lagu guulaystay in meesha laga saaro nidaamkii qishka oo dhibaato ku ahaa tayada waxbarashada.

ibraahim waxa uu tilmaamay sida ay xukuumadda uga go’an tahay in awoodda la saaro tayada waxbarashada, iyada oo kor loo qaadayo dhisidda dugsiyada waxbarashada Deegaanka.

Xukuumadda Deegaanka Soomaalida oo hiigsaneysa kor u qaaddida iyo tayaynta adeegga waxbarashada ayaa sanadkii hore ansixisay qorshayaal muhiim u ah manhajyada ay aradaydu wax ku baranayaan iyada oo Dugsiga Dhexe laga dhigay in ardaydu ay wax ku bartaan luqadda English-ka.

Eedeyn badan ayaa loo jeediyay hannaanka guud ee waxbarashada Itoobiya kadib markii ardaydu awoodi waayen inay ka gudbaan imtixaanaadka qaranka. Sannadkan waxaa imtixaanka shahaadiga ah ee dowlad deegaanka Soomaalida u fadhiistay arday gaareysay 21,225 arday laakin natiijadii soo baxday waxaa lagu sheegay inay gudbeen kaliya 261 arday oo udhiganta 1.2%.

Wasaaradda Waxbarashadu waxay ku doodeysa in natiijadaan ay sabab u tahay dadaaladda la sameeyay ee looga hortegay qishkii imtixaanaadka, balse Khubaradu waxay aaminsanyihiin in hannaanka Waxbarashada Itoobiya uu aad u hooseeyo, marka la eego agabka iyo manhajka loo adeegsado waxbarashada ee aadka u liita marka la barbardhigo casriga la joogo.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here