Tuesday, October 1, 2024

Jabuuti oo daahfurtay mashruuc looga hortagayo isbeddelka cimilada

Jabuuti (Dawan)- Dalka Jabuuti waxaa si rasmi ah looga daahfuray mashruuc cusub oo loogu talagalay ka hortagga dhibaatooyinka ka dhasha isbeddelka cimilada, kaas oo qayb ka ah dadaallada dowladda ee lagu xoojinayo ka hortagga saameynta cimilada isbedesha.

Mashruucan, oo socon doona muddo afar sano ah, ayaa diiradda saaraya sidii si wadajir ah loo iska kaashan lahaa yareynta iyo la tacaalidda saameynta isbeddelka cimilada.

Wakaaladda Qaran ee Saadaasha Hawada Jabuuti ayaa kaalin muhiim ah ka qaadaneysa barnaamijkan, iyadoo ujeedadu tahay in la xoojiyo xiriirka iskaashiga ee wadamada gobolka iyo caalamkaba si loo helo xalal waara oo ku saabsan isbeddelka cimilada.

Isbeddelka cimiladu waa mid kamid ah dhinacyada dowlado badan ay si xooggan diiradda u saaraan, waxaana dowladda Jabuuti ay dadaal weyn ugu jirtaa sidii looga hortagi lahaa saameynta iyo dhibaatooyinka ka dhasha cimilada isbedesha.

Mashruucani wuxuu qayb ka yahay mashaariicda dalka Jabuuti ay ka shaqeyneyso ee lagu xallinayo arrimaha la xiriira isbeddelka cimilada iyo ilaalinta deegaanka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here