Tuesday, October 1, 2024

Jabuuti: Ma doonayno in xiisadda Itoobiya iyo Soomaaliya ay gaarto dagaal

Jabuuti (Dawan)- ” Ma doonayno in xiisadda ka dhex aloosan Itoobiya iyo Soomaaliya inay isu beddesho dagaal furan” sidaas waxaa  TV-ga Aljazeera ee laga leeyahay Qatar u sheegay Wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf

Wasiirka oo wax laga waydiiyay xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya, dagaalka Suudaan iyo xaaladda Bariga Dhexe, waxaa ugu muhiimsana hadalkiisa qodobada soo socda;

• Ma doonayno in xiisadda ka dhex aloosan Itoobiya iyo Soomaaliya inay isu beddesho dagaal furan
• Jabuuti waxay taageertay Soomaaliya bilowgiiba , waxaana aaminsannahay inay lama huraan tahay in dowladaha kale ixtiraamaan midnimada dhuleed iyo madax-bannaanida Soomaaliya.
• Waxaan u bandhignay Itoobiya adeegsiga dekedda Tadjoura si aan u qaboojino xiisadda
• Wufuud Itoobiya ah ayaan kawada hadalnay arrinta Tadjoura hadana waxaan ku howlanahy sidii aan u gaari lahayn qodobo heshiis lagu wadayahay
• Itoobiya ma diidin qorshaha aan soo bandhignay, waxaan sugeyna booqashada Abiy Axmed ee bisha October
• Waxaan booqan doona dhawaan Suudaan si aan u gaarsiiyo fariinta madaxweynaha Jabuuti ee joojinta dagaalka

• Waan ka gaabsanay ka qaybgalka isbahaysiga uu Mareykanka hoggaaminayo , sababtoo ah ma doonayno in Jabuuti loo adeegsado weerar ka dhan ah Yemen.
• Saamaynta Shiinaha waxay ku fideysa qaaradda Africa, halka ay sii yaraaneyso saamaynta reer galbeedka

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here