Tuesday, October 1, 2024

Abiy oo ku wajahan Jabuuti si looga hadlo arrimaha dekedda Tadjoura

Addis Ababa (Dawan)- Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed ayaa lagu wadaa inuu bishaan booqasho ku tago dalka Jabuuti , si ay labada dal uga wada hadlaan qorshaha ay Jabuuti ku dooneyso inay Itoobiya ku qanciso adeegsiga dekedda Tadjoura.

Sidaas waxaa TV-ga Aljazeera ee laga leeyahay Qatar u sheegay Wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf.

Wasiirka ayaa yiri; ” Itoobiya ma diidin qorshaha aan soo bandhignay, waxaana sugeyna booqashada Abiy Axmed ee bisha October”

Maxamuud  ayaa intaas ku daray in wafuud ka socota Itoobiya ay booqdeen Jabuuti kuwaas oo daneynayay inay wax ka ogaadaan arimaha dekedda, isaga oo xusay inay ku howlanyihiin sidii loo gaari lahaa heshiis dhamaystiran oo dan u ah labada dal.

Ujeedada ay Jabuuti ugu bandhigtay Itoobiya dekadda Tadjoura ayuu ku sheegay inay tahay si loo mareeyo xiisadda soo kala dhaxgashay Soomaaliya iyo Itoobiya ” Waxaan u bandhignay Itoobiya adeegsiga dekedda Tadjoura si aan u qaboojino xiisadda”

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here