Wednesday, October 2, 2024

Weerarka Iran ee Israel iyo falcelinta ka dhalatay

Tehran (Dawan)- Waa markii labaad oo ay Iran ku dhiirato inay si toos ah u weerarto Israel muddo hal sano gudihiis ah balse weerarkaan waa mid ka culus kana duwan kii hore, sid ay qabaan khubarada dhanka amniga

Ku dhawaad muddo hal saac ah ayey Iran weerar ganaatlo ah oo aan horay loo arag ku duqeysay goobo badan oo Israel ka tirsan. Qaar kale oo badan waxaa ka hortagay nidaamka difaaca Israel iyo xulafadeeda

Idaacadda rasmiga ah ee Israel  ayaa sheegtay in Iran ay nus saac gudahood ku soo ridday in ka badan 200 oo gantaallo ah, iyada oo dadwaynaha loogu baaqay inay galaan goobaha gabbaadka ah.

Dhankooda, Ilaalada Kacaanka Iran ayaa ku dhawaaqay in ay bartilmaameedsadeen goobo  militeri oo muhiim ah, waxayna ku goodiyeen inay dhulka la simi doonaan Isarel haddii ay isku daydo inay weerar kusoo qaado Iran.

Weerarkan waxa uu uga duwan kii hore waqtiga ay qaateen gantaalaha laga soo turay Iran oo muddo kooban ku gaaray qaybo badan oo ka tirsan Israel.

Farriimaha Iran

Ilaalada Kacaanka Iran: Hawlgalka aanu fulinay waxa uu ahaa mid ku salaysan go’aan ka soo baxay golaha sare ee amniga qaranka.

Ilaalada Kacaanka Iran: Hawlgalkan waxa uu ahaa mid loogu aar gudayo  Ismaaciil Haniyeh iyo Xasan Nasrullah.

Ilaalada Kacaanka Iran: Waxaan bartilmaameedsanay goobaha amniga iyo militariga ee Israel  

TV-ga Iran: Gantaalada Ilaalada Kacaanka Iran ayaa beegsaday 3 saldhig oo ay leeyihiin ciidamada Israel.

Xalay waxay u ahayd Israel habeen ay ku qasbanaayeen soo jeed. Waxaa dhulka hoostiisa galay madaxda oo uu ugu horeeyo Ra’iisul wasaare Netanyahu, iyada oo malyaain qof ay ku cararreen goobaha gabbaadka ah.

Waxaa joogsaday dhammaan duulimaadyadii aadi jiray ama kasoo bixi jiray Israel.

Magaalada Gaza, xalay waaa uga duwaneed habeenada kale. Muuqaalo lagu baahiyay baraha bulshada waxaa lagu arkayay dadwayne isagu soo baxay inay daawadan gantaalada ku dhacaya Israel. Waa meesha ay Soomaalidu ka dhahdo “ Nin jabkiisa, waa farxadda nin kale”.

Afhayeenka guutada Al-qasaam ee ururka Xamaas waxa uu ku tilmaamay weerarka Iran farriin cad oo muujineysa sida ay iskula jaan qaadeen kooxaha iska caabinta iyo dowladda Iran.

Falcelinta dunida

Inta aysan hadlin madaxda Isarel waxaa warbaahinta warbixin kooban siiyayy Aqalka Cad ee Mareykanka iyo  Pentagon. Labaduba waxay ka hor dhaceen qiimeynta Hay’adaha Israel iyaga oo ku dhawaaqay in la fashiliyay weerarka Iran, waxayna ballan qaadeen taageerada aan xadka lahayn ee Mareykanku diyaarka ula yahay difaacidda Israel.

Dhammaan saldhigyada uu Mareykanku ku leeyahay Bariag Dhexe xalay waxaa la geliyay diyaar garow xoogan waxayna ka qaybqaateen ka hortagga gantaalaha Iran.

Jordan oo ah dowlad Carbeed waxay ku faantay inay ka qayb qaadatay ka hortgga gantaalaha ku wajahnaa Israel.

Golaha Amniga waxaa la isagu yeeray kulan degdega ah  si wax looga qabto xaaladda Bariga Dhexe oo faraha kasii baxaya.

Faransiiska ayaa dhankiisa ku dhawaaqay inuu billaabay diyaar garoow ciidan si looga hortago khatarta Iran ee ka dhanka ah Israel.

Afhayeenka  wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushka Maria Zakharova ayaa sheegtay in xaaladda Bariga Dhexe ay muujinayso siyaasad xumada  Mareykanka ee ku wajahan xallinta xasaradaha.

Si kastaba ha ahaate, tillaabada dhiiranaanta leh ee ay qaaday Iran ayaa la filaya inay kala kulanto jawaab inaksta oo aan la garanaynin xilliga iyo qaabka ay noqon doonto.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here