Wednesday, October 2, 2024

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka oo furmay iyo Deni oo weli maqan

Muqdisho (Dawan)- Waxaa magaalada Muqdisho ka fumray Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka, iyada oo ay goob joog ka yihiin Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir marka laga reebo Puntland.

Sida qoraal kasoo baxay Villa Somaliya lagu sheegay, Shirkan waxaa diiradda lagu saarayaa xaaladda amniga dalka, gaar ahaan sidii loo dardargelin lahaa dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, dhameystirka hanaanka dimuqraadiyeynta, iyo fulinta heshiisyadii hore ee Golaha Wadatashiga Qaran.

Waxaa sidoo kale looga wada hadli doonaa dhismaha dowladnimo iyo iskaashiga guud ee dowlad-goboleedyada iyo dowladda federaalka si loo xaqiijiyo nabadda iyo horumarka dalka.

Weli waxaa kulmada Golaha Wadatashiga Qaranka ka maqan Puntland oo horay u qaadacday wadashaqaynta dowladda Federaalka kadib khilaaf soo kala dhaxgalay madaxda sare ee dalka.

Sannadkan gudihiisa waa markii seddexaad ee uu qabsoomo shirka golaha wadatagiga qaran kadib 3dii Janaayo iyo 15kii May. 

Waa tiro ka yar kulamadii madasha ee bilowgii dib u doorashadii madaxweyne Xasan. 7dii bil ee ugu horeeysay xukunka Xasan, waxaa la qabtay tiro 4 jeer ah oo dhamaan ay ka soo wada qeyb galeen dowlad gobleedyada iyo gobolka Banaadir.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here