Thursday, October 3, 2024

Abiy oo taleefan kula hadlay Geelle ka hor booqashadiisa Jabuuti

Jabuuti (Dawan)- Shalay gelinkii dambe, Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa khadka taleefanka ku wada hadlay, iyagoo isla soo qaaday xaaladaha ka jira gobolka iyo caalamka.

Labada hogaamiye waxay sidoo kale kawada xaajoodeen arrimo la xiriira ganacsiga iyo dhaqaalaha sida ay sheegtay warbaahinta Dowladda Jabuuti.

Wadahadalka ayaa imaanaya iyadoo la filayo in Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed uu booqasho rasmi ah ku tago Jabuuti bishaan, si labada dal uga wada hadlaan qorshaha ku saabsan sidii ay Jabuuti ugu qancin lahayd Itoobiya adeegsiga dekedda Tadjoura. Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa horay TV-ga Aljazeera ugu sheegay in booqashadan la xiriirto dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu xoojinayo ganacsiga labada dhinac.

Wasiirka ayaa tilmaamay in Itoobiya aysan diidin qorshaha Jabuuti, isla markaana la sugayo booqashada Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ee bisha Oktoobar. Maxamuud ayaa sidoo kale sheegay in wufuud ka socota Itoobiya ay booqdeen Jabuuti si ay xog badan uga helaan dekedda Tadjoura, iyada oo laga shaqeynayo sidii loo gaari lahaa heshiis dhamaystiran oo labada dhinac dan u ah.

Ujeedada ay Jabuuti ugu bandhigtay Itoobiya isticmaalka dekedda Tadjoura ayaa la xiriirta sidii loo xallin lahaa xiisadda soo kala dhexgashay Soomaaliya iyo Itoobiya. Wasiirka ayaa xusay in Jabuuti ay dooneyso inay qaboojiso xiisadda, si looga hortago inay isu beddesho dagaal furan.

Jabuuti ayaa horey u sheegtay inaysan rabin in khilaafka ka dhex jira Soomaaliya iyo Itoobiya uu noqdo dagaal baahsan, iyadoo sheegtay in ay ka shaqeneyso in xal nabadeed laga gaaro.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here