Thursday, October 3, 2024

Kenya oo muwaadiniinteeda kala soo baxaysa Lubnaan

Beirut (Dawan)- Dowladda Kenya ayaa qorsheyneysa inay muwaadinteeda kala soo baxdo dalka Lubnaan oo laga cabsi qabo inuu dagaal ka qarxo kadib markii ay ciidamada Israel billaabeen inay lug ku galaan xuduudka dalkaas.

Waaxda arrimaha qurba joogta ee Wasaaradda arrimaha dibadda Kenya ayaa ugu baaqday dadka ku suagn Lubnaan inay is diiwan geliyaan, si loo billaabo qorshaha daadgureynta. Waaxda ayaa ayaa sidoo kale kula talisay dadka awooda inay si degdeg ah uga baxaan Lubnaan inay u wareegaan meel kale oo ka nabdoon.

Kenyaanka ay ehelladooda ku sugan yihiin Lubnaan ayaa laga codsaday in ay ka qayb qaatan howlaha lagu soo daad gureynayo dadka, waxaana lala wadaagay ciwaanada iyo goobaha ay la xiriiri karaan si ay u helaan wixii faahfaahin dheeraad ah.

Arrintaan ayaa imaanaysa iyadoo laga cabsi qabo in ay sii kororto xiisadda Bariga Dhexe, iyadoo ciidamada militeriga Israel ay wali duqeymo ka gaysanayaan koonfurta dalka Lebanon.

Tan iyo 23kii September, weerarada Israel ee Lubnaan waxaa ku dhintay 1,119 qof, waxaana dhaawaac soo gaaray 3,040 kale sida laga soo xigtay wasaaradda caafimaadka Lubnaan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here