Friday, October 4, 2024

QM miyaa go’aamisay in doorasho qof iyo cod ah laga qabto Soomaaliya? 

New York (Dawan)- Qaramada Midoobay miyaa go’aamisay in doorasho qof iyo cod ah laga qabto Soomaaliya? Waxkabedelka Dastuurka maxaa laga yiri?

Waxaan halkaan kuugu soo koobaynaa 5 arrimood oo warbixinta Ku-simaha Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan uu Golaha Ammaanka ka siiyay arrimaha Soomaaliya.

1. Wax ka bedelka dastuurka iyo Horumarrada Siyaasadda:

    • Dowladda Soomaaliya waxay diiradda saareysaa arrimaha mudnaanta Qaran leh, gaar ahaan wax ka bedelka Dastuurka. Cutubyada 5aad ilaa 9aad ayey dib-u-eegis ku socotaa, waana kuwa ka hadlayo arrimaha awood qeybsiga ka dhaxeeya dowladda Federalka ah iyo kuwa xubnaha ka ah
    • Horay ayaa loogu ruqaansaday dhanka u guurista hannaanka doorasho ee qof iyo codka ah, iyadoo shuruucda aasaasiga u ah dooraashada laga shaqeeyay.
    • Waxaa la dhiirrigelinayaa wadahadal ballaaran oo loo dhan yahay si loo gaaro is-wadar ogol siyaasadeed iyo meel-marinta sharciyada doorashada.

    2. Ammaanka iyo dadaallada la dagaallanka argagixisada:

    • Dagaalka ka dhanka ah Alshabaab wali waa muhiimmadda aasaasiga ah ee amniga, iyadoo dowladdu ay sii waddo howlgallada milatari.
    • Soomaaliya waxay wax ka qabanaysaa dhisidda ciidan, waxayna ka guureysaa Hawlgalka Kumeelgaarka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) una guureysaa Hawlgalka Taageerada iyo Xasillinta ee la qorsheynayo Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), iyada oo hirgelinaysa barnaamijyo xasillineed.
    • AS waxay sii wadaa weerarada, waxaana sii kordhaya joogitaanka ISIS wuuna cambaareeyay.

    3. Xiisadda Gobolka iyo Dublamaasiyadda:

      • Walwal ayaa laga muujiyay xiisadda gobolka ee ka dhalatay heshiiska is afgaradka ah ee Ethiopia la gashay Somaliland. Waxaa la oso jeediyay in arrinta loo xalliyo si waafaqsan shuruucda caalamiga ah.
      • Dadaallo dublamaasiyadeed oo ay kamid yihiin wadahadallo ay Turkidu dhexdhexaadineyso ayaa muhiim loo arkaa si loo xakameeyo xaaladda.
      • Xiisadda Sool iyo Sanaag ayuu ka hadlay, isagaoo ku baaqay helitaanka wadooyin bani’aadamnimo iyo gargaar.

      4. Caqabadaha bani’aadamnimo iyo kuwa horumarineed:

      • Soomaaliya waxaa ka jira baahiyo bini’aadanimo oo ba’an sababo la xiriira masiibooyinka cimilada, colaadaha, iyo saboolnimada, waxaana loo baahan yahay taageero dheeraad ah oo ku aaddan Qorshaha Baahiyaha iyo Gurmadka Bini’aadanimo ee 2024.
      • Isbeddelka cimilada ayaa loo arkaa inuu yahay sabab keenta colaadaha, waxaana la wadaa dadaallo lagu dhisayo adkeysiga iyada oo loo marayo helitaanka Sanduuqa Cimilada Cagaaran

      5. Xilliga Kala guurka HAWLGALKA KAALMAYNTA QARAMADA MIDOOBAY EE SOOMAALIYA

        • Qorshe ku saabsan in laga guuro Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) loona guuro koox dalka ka howl-gasha oo UN ah ayaa loo gudbiyey Golaha Ammaanka. Tani waxay daba socotaa wadahadallo lala yeeshay hoggaanka Soomaaliya, Qaramada Midoobayna waxay rajeyneysaa inay taageerto mudnaanta qaran ee Soomaaliya.

        Gabagabadii: Kulankan waxa uu ahaa kulan xogsiin ah ee marna ma ahayn mid go’aamo lagu gaarayay. Hase ahaatee Ku-simaha Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan sooma hadal qaadin maqnaanshaha Puntland iyo doorashooyinka Somaliland.

        Share this article

        Recent posts

        LEAVE A REPLY

        Please enter your comment!
        Please enter your name here