Saturday, October 5, 2024

WARARKA DUNIDA OO KOOBAN

Muqdisho (Dawan)- Qodobada ugu waaweyn wararka dunida oo kooban waxaa ka mid ah:

Muqdisho

Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa ansixiyay Hindise Sharciyeedka Xakameynta Kiimikooyinka Beeraha Soomaaliyeed iyo Hindise Sharciyeedka Adeegga iyo Baaritaanka Beeraha Soomaaliyeed,waxaana ogolaatay 151-Xildhibaan ma jiro xildhibaan diiday iyo mid ka aamusay.

Turkiga

Maanta waxaa magaalada Istanbul laga soo sagootiyay Markabka ay Turkidu ugu talagashay inay xeebaha Soomaaliya uga baarto shidaalka.

Tillaabadan ayaa looga gol-leeyahay higelinta heshiiskii ay labada dowladood kala saxiixdeen bishii March ee lasoo dhaafay ee kusaabsanaa sahminta, qiimeynta, horumarinta iyo soo saarista shidaalka badda Soomaaliya.

Nigeria

Hay’adaha caafimaadka Nigeria ayaa la tacaalaya cudurka daacuunka ee ka dilaacay waqooyi bari gobolka Borno, kadib fatahaadii ka dhacay gobolkaas oo ay ku barakaceen 2 milyan oo qof.

Kenya

Maxkamadda sare ee Kenya ayaa amartay in la ballaariyo hannaanka loo maryo xil ka qaadisata madaxweyne ku xigeenka dalkaas Rigathi Gachagua, iyada oo dadwaynaha la waydiinayo aragtiooda.

Congo

Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo ayaa ka bilaabaysa wajiga koowaad ee tallaalka fayraska mpox ee magaalada Goma, ee gobolka Waqooyiga Kivu. Congo waxay xudun u tahay cudurka mpox ee ku fiday qaar ka mid ah wadamada Afrika.

Faransa

Tiro tahriibayaal ah ayaa ku dhintay xilli ay isku dayayeen inay isaga gooshaan Faransiisa iyo Ingriiska. Faransiisku ma sheegin tafaasiil la xiriirta tirada tahriibayaasha geeriyooday.

Suudaan

Wafdi ka socda Golaha Ammaanka iyo Nabadda Afrika ayaa markii ugu horreysay booqasho ku tegay Suudaan tan iyo markii uu dagaalku ka qarxay dalkaas si ay madaxda ugala hadlaan soo afjaridda colaadda dalkaas ka socota sanad iyo bar.

Ghana

Hay’adda lacagta caalamiga ah ee IMF iyo mas’uuliyiinta dalka Ghana ayaa gaaray heshiis ku saabsan dib u eegista saddexaad ee barnaamijka amaahda ee IMF, sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo IMF Jimcihii.

Faransa

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa Sabtidii ugu baaqay reer-galbeedka in la joojiyo hubka la siinayo Israel

Falastiin

Dagaalka Gaza ayaa galay maalintii 365-aad, iyada oo ay ciidamada Israel ku dileen in ka badan 41,802 halka dhaawacyadu ay gaareen 96,844.

Daanta Galbeed, waxay Israel ku dishay ku dhawaad 741 qof oo ay ku jiraan 143 carruur ah, halka ay dhaawacmeen in ka badan 6,200 kale, iyadoo xabsiga loo taxaabay dad ka badan 11 kun iyo 200 oo qof, oo ay ka mid yihiin 53 wariye tan iyo 7-dii October 2023.

Tirada askarta Israel looga dilay dagaalka ayaa gaartay 716 , halka dhaawacana lagu sheegay 4,481, askari.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here