Sunday, October 6, 2024

Maxay Dahabshiil ku sababeysay fulinta amarkii Dowladda Soomaaliya?

Muqdisho (Dawan)- Shirkadda Dahabshiil oo fulisay amarkii dowladda Soomaliya ee ahaa inay website-keeda ka saarto magaca Somaliland kuna bedesho Soomaaliya ayaa sheegtay sababta keentay inay qaaddo tillaabadaas ay ku fulisay amarka dowladda.

Shirkaddu waxay sheegtay inay la mid tahay shirkadaha kale ee caalamiga ah ee ka howlgala dunida sidaas darteedna ay lama huraan tahay inay u hoggaansanto xeerarka caalamiga ah

“Dahabshiil waa shirkad caalami ah oo ka howlgasha in ka badan 120 waddan. Waxaan la mid nahay shirkadaha caalamiga ah sida Fly dubai, Ethiopian Airlines iyo Turkish Airlines. Dhammaanteen waxaan ku shaqeynaa xeerar caalami ah” sidaas waxaa lagu yiri, qoraal kooban oo kasoo baxay Dahabshiil.

Arrintaan ayaa daba socota amar kasoo baxay Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Soomaaliya bishii August kaas oo lagu faray dhammaan shirkadaha bixiya adeegyada maaliyadeed, oo ay ku jiraan shirkadaha xawaaladaha, gaar ahaan Dahabshiil , paysii  iyo Xawaalada Juba inay adeegsadaan kaliya magaca Soomaaliya.

Wasaaraddu waxay ku micneysay go’aankeeda in la hubiyo madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Sidoo kale shirkadaha duulimaadyada ee Itoobiya iyo Dubai FLY  ayaa la siiyay amar nuucaan ah, iyaga oo lagu amray inay adeegsadaan kaliya magaca Soomaaliya marka ay duulimaad ku tegayaan magaalooyiinka kala duwan ee dhulka Soomaaliyeed, wayna u hoggaansameen amarkaas.

Soomaaliya waxay tillaabooyinkan u qaadeysa inay dunida tusto inay jirto hal dowlad oo loo yaqaano magaca Soomaaliya, halka Somaliland ay isku dayayso inay magaceeda barto caalamka iyo inay tahay dowlad ka madax bannaan Soomaalida kale.

Arrintan ayaa loo arkaa inay sii socon doonto inta xal looga helayo qaddiyadda midnimada iyo go’itaanka Somaliland oo soo jiitamaysay sodoodnkii sano ee lasoo dhaafay.

messenger sharing button
whatsapp sharing button
email sharing button

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here