Sunday, October 6, 2024

Jubaland oo eedeyn culus u jeedisay Villa Somlia

Kismaayo (Dawan)- Dowlad Goboleedka Jubaland ayaa ku eedeysay madaxtooyada Soomaaliya inay lacag ku bixineyso dacaayad ka dhan ah madaxda lagu casuumay shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Muqdisho ka socda.

Agaasimaha xiriirka dadwaynaha iyo madaxtooyada Jubalanad, Maxamed Xasan Xiis ayaa bartiisa Facebook ku qoray sidan; ” Madaxweyne ma waxaa jirta rajo aad wali ka qabto ergooyinka aad soo dirayso inay xal ka keenan kala aragti duwananta jirta iyadoo Agaasimahadii Warfaafinta iyo Xafiiskaagu ay Lacag ku bixinayaan cayda iyo dacaayada Madaxda aad ku casuuntay shirka madasha”

Arrintan ayaa imaaneysa iyada aan wax natiija ah kasoo bixin shirka Muqdisho uga socda madaxda federaalka iyo dowlad goboleedyada kaas oo la doonayo in lagu go’aamiyo arrimaha doorashooyiinka.

Warbaahinta Jubaland waxay hore u shaacisay in Axmed Madoobe ku adkeesanaayo in hanaanka doorashooyinka qof iyo codka ah aanu suuro gal ahayn in laga qabto Soomaaliya iyadoo aan heshiiska laga soo qeybgalin Puntland iyo Khaatumo, hadii ay taasi suurta gali waysana ay Jubaland gaar u qabsanayso doorashooyinkeeda heerarka kala duwan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here