Sunday, October 6, 2024

Jabuuti iyo Sacuudiga oo kala saxiixday heshiis la xiriira Amniga Internet-ka

Riyaad (Dawan)- Dowladaha Jabuuti iyo Sacuudiga ayaa kala saxiixday heshiis is-afgarad ah oo la xiriira Amniga Internet-ka, sida uu sheegay safiirka Jabuuti u fadhiya magaalada Riyaad ee boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Heshiiska ayaa looga gol-leeyahy in kor loogu qaado iskaashiga joogtada ah ee u dhaxeeya labada dal ee dhinaca dhijitaalka iyo ka hortagga dambiyada abaabulan ee loosoo maro dhanka Internet-ka.

Heshiiska waxaa qalinka ku duugay Xoghayaha Guud ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Jabuuti, Almis Maxamed Cabdullaahi iyo Guddoomiyaha Hay’adda u qaabilsan Sacuudiga dhinaca amniga internetka, Maajid bin Maxamed.

Labada dowladood waxaa ka dhaxeeya iskaashi dhincyo badan leh sida, ganacsiga, waxbarashada, amniga iyo siyaasadda, heshiiskaana waxa uu kaalin ka qaadan doona sii xoojinta wadaqashaqaynta laba geesoodka ah.

Amniga Internet-ka ayaa noqday waayihii ugu dambeeyay arrin ay dowladuhu siiyaan muhiimad gaar ah, iyada oo lala jaan qaadayo horumarada xowliga ku socda ee dhinaca dhijitaalka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here