Sunday, October 6, 2024

8 qof oo ku dhintay dagaal beeleed ka dhacay Kenya

Nairobi (Dawan)- Ugu yaraan siddeed qof ayaa ku dhintay dagaal beeleed ka dhacay deegaanka Bangal ee hoostaga ismaamulka Tana River ee dalka Kenya.

Dagaalkaan oo socday maalmihii lasoo dhaafay, ayaa salka ku haya muran dhuleed u dhexeeya dadka wada dega tuulooyiin ka tirsan degmada Bangal ee ismaamulka Tana River.

Sida ay warbaahinta dalkaas sheeegtay, kooxaha dagaalamaya ayaa isku adeegsaday rasaas, fallaar iyo agabyada kale ee ay ku dagaalamaan dadka reer miyiga ah.

Ciidamda amaanka ayaa isku dayaya inay kala dhexgalaan dadka dagaalmaya si loo xakameeyo xaaladda loona joojiyo dagaalka soo kala dhaxgalay dadkan deegaan wadaagga ah.

Dadka la dilay ayaa gabbaad ka dhiganay goobaha waxbarashada iyo xafiisyada dowladda, sida laga soo xigtay Boliiska Kenya.

Dhanka kale, waxaa jira dad fara badan oo ka barakacay deegaanada uu dagaalku ka socdo, kadib markii la gubay ilaa 60 guri, waxaana jirta cabsi ah inay dhacaan falal aar goosi ah.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here