Monday, October 7, 2024

Madoobe oo Kismaayo ku laabtay iyadoon natiijo laga gaarin shirkii Muqdisho

Kismaayo (Dawan)- Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Jubbaland, Axmed Sheekh Maxamed iyo wafdigiisa ayaa ku laabtay magaalada Kismaayo, iyada oo aan wax heshiis ah laga soo saarin shirka Golaha wadatashiga Qaran ee maalmihii lasoo dhaafay ka socday magaalada Muqdisho.

Arrintan ayaa loo arkaa inaan is-afgarad laga gaarin arrimihii shirka oo ay ugu muhiimsaneed arrimaha doorashooyiinka inkasta oo aysan jirin cid ka hadashay dhammaan dhinacyadii ku lugta lahaa shirka.

Dhanka kale, qaar ka mid ah mucaaradka ayaa ku dhaliilay madaxweyne Xasan Sheekh inuu ku guuldareystay ilaalinta dastuurka iyo kala dambeynta siyaasadeed ee dalka, isaga oo u xusul duubaya muddo-kororsi sharci-darro ah, sida ay sheegeen.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa laga filaya saacadaha soo socda inay war kasoo saarto arrimaha shirka iyo sida uu ku dhamaaday.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here