Monday, October 7, 2024

Mucaaradka oo Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu doonayo muddo-kororsi

Muqdisho (Dawan)- War-murtiyeed ka soo baxay saddexda siyaasi ee kala ah Madaxweyne hore  Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Ra’isul wasaare hore Xasan Cali Kheyre iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu wado qorsha uu ku doonayo inuu sameysto muddo kororsi aan sahrci ahayn.

Madaxweynaha waxaa sidoo kale lagu eedeeyay inuu faragelin ku hayo doorashooyiinka dowlad goboleedyada ee loo ballansanaa inay dhacaan bisha November ee soo socota.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in madaxweyne Xasan Sheekh uu ku guuldareystay ilaalinta dastuurka iyo kala dambeynta siyaasadeed ee dalka, isla markaana uu xusul duub ugu jiro sidii uu xafiiska usii joogi lahaa.

Arrimaha kale ee mucaaradku ku eedeeyeen madaxweynaha waxaa ka mid ah inuu laalay dastuurkii dalka ee heshiiska lagu ahaa

Siyaasiyiintan ayaa ugu baaqay madaxda Galmudug, Koonfur Galbeed, iyo Hirshabeelle, inaysan gacan ku siinin madaxweynaha qorshaha muddo-kororsiga, kana soo baxaan mas’uuliyadda ka saaaran qabashada doorashooyinka heer deegaan, halka dowladda federaalka ay u xilsaaran tahay doorashooyinka heer qaran.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale looga digay inuu kabka miisaaniyadda ee ay xaqa u leeyihiin dowlad-goboleedyada u adeegsado sidii uu ugu cadaadin lahaa madaxda dowlad-goboleedyada in ay taageeraan muddo-kororsiga sharci-darrada ah.

War-saxaafadeedkaan ayaa imaanaya iyadoo shantii maalin ee la soo dhaafay uu magaalada Muqdisho ka socday shirka Madasha Wadatashiga Qaran, xilli  Madaxweyne Axmed Madoobena uu saakay ku laabtay Kismaayo , taas oo u muuqato in la isku afgaran waaye  shirka Madsha Wadatashiga Qaran.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here