Friday, October 18, 2024

Gachagua: Waxaaan isku difaaci doonaa baarlamaanka hortiisa

Nairobi (Dawan)- Madaxweyne ku xigeenka Kenya, Rigathi Gachagua, oo ay suuragal tahay in xilka laga xayuubiyo, ayaa sheegay inuu is difaaci doono markuu Baarlamaanka hortago maanta oo Talaado ah.

Sidaas waxa uu ku sheegay hadal uu xalay u jeediyay shacabka Kenya.

Qayb ka ka mid ah dadwaynaha Kenya ayaa filayey in Gachagua uu ku dhawaaqi doono is-casilaadiisa , laakiin madaxweyne ku xigeenku waxa uu ku adkaystay in uu diyaar u yahay in uu dagaalamo isaga oo adeegsanaya sharciga dalka u yaal si uu u caddeeyo in aanu dambi lahayn.

Baarlamaanka Kenya, oo ka kooban 349 xubnood, ayaa dhageysan doona is difaacidda Gachagua ka dibna waxay u codeyn doonaan in xilka laga qaado iyo in kale.

Ugu yaraan saddex meelood laba meel xubnaha Baarlamaanka – oo u dhiganta 233 – ayaa loo baahanyahay inay u codeeyaan mooshinka xilka looga qaadayo Madaxweyne ku xigeenka.

Aqalka Sare oo ka kooban 67 xubnood ayaa sidoo kale dhageysan doona eedeymaha, iyada oo haddii in ka badan saddex-meelood labo meel oo ah 45 xubnood -ay u codeeyaan xil ka qaadista Gachagua, madaxweyne ku xigeenku waxa uu banney doona xafiiska.

Eedeymo la xiriira musuq

Gachagua waxaa lagu eedeeyay inuu si sharci darro ah u aruursaday hanti lagu qiimeeyay 5.2 bilyan oo shilinka Kenya ah, ama $40.3 milyan, labadii sano ee u dambeysay.

Mwengi Mutuse, oo ah xildhibaanka soo gudbiyay mooshinka ka dhanka ah Gachagua, ayaa sheegay in labadii sano ee u dambeysay uu madaxweyne ku xigeenka uu mushaar ahaan u qaatay 24 milyan oo shilinka dalka ah, una dhiganta 186,000 oo dollar.

Mutuse ayaa intaa ku daray in doorashadii madaxtinimada ee Agoosto 2022, in Gachagua uu shaaciyay in hantidiisu ay tahay 800 milyan oo shilin, una dhiganta 6.8 milyan oo doolar.

Wiiqidda howlaha xukuumadda

Madaxweyne ku xigeenka Gachagua, oo 59 jir ah, ayaa sidoo kale lagu eedeeyay in uu wiiqay shaqooyinka xukuumadda sidoo kalena uu ku lug lahaa xasarado ku sallaysanaa kala qaybinta qowmiyadaha dalkaas.

Ilaa 291 xildhibaan ayaa saxiixooda ku lifaaqay taageerada mooshinka ka dhanka ah madaxweyne ku xigeenka , taasoo dhaaftay tiradii loo baahnaa ee 117 xildhibaan.

Guddomiyaha baarlamaanka Kenya Moses Wetangula ayaa sheegay in mooshinka uu soo gudbiyay Mutuse Eckomas Mwengi, oo ah xlidhibaan ka tirsan isbaheysiga talada haya uu buuxiyay dhammaan shuruudihii dastuuriga ahaa ee loo baahnaa.

Haddii uu hirgalo mooshinkan, Gachagua wuxuu noqonayaa madaxweyne ku xigeenkii ugu horreeyay ee xilka laga xayuubiyo tan iyo markii wax ka bedelis lagu sameeyay dastuurkii dalka ee 2010-kii.

Gachagua, ayaa beeniyay dhamaan eedeymaha loo jeediyay , wuxuuna ku tilmaamay kuwa salka ku haya arrimo siyaasadeed, isaga oo ka digay in xilka qaadistiisa ay kicin doonto dadka soo doortay.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here