Friday, October 18, 2024

Soomaaliya iyo Imaaraadka oo kawada hadlay iskaashiga Baarlamaanada

Abu Dhabi (Dawan)- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya, Sheekh Aadan Madoobe oo booqasho ku jooga Imaaraadka Carabta ayaa kulan la qaatay dhiggiisa dalkaas, Saqr Ghobash, isaga oo kala hadlay dhowr arriin oo khuseeya labada dal.

Labada dhinac ayaa dib u eegis ku sameeyay horumarka xiriirka labada dal iyo sidii kor loogu qaadi lahaa , taasoo ka tarjumaysa hiigsiga hoggaanka labada dal iyo xiriirka dheer ee ay wadaagaan labada shacab, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Imaaradka Carabta.

“Kulanka ayaa diirada lagu saaray xoojinta xiriirka labada dowladood gaar ahaan labada baarlamaan, iskaashiga iyo wada shaqeynta labada dhinac iyo sidii kor loogu qaadi lahaa” sidaas waxaa lagu yiri, war-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe.

Labada dhinac ayaa isla gartay muuhiimadda ay leedahay in sare loo qaado wada shaqeynta baarlamaanada iyo isku xirnaanta labada gole , iyada oo la mideynayo mowqifyada la xiriira arrimaha caalamka, taageerada murashaxiinta labada dal ee golaayaasha caalamiga, is dhaafsiga khibradaha baarlamaanka, aqoonta iyo dhaqanka.

Saqr Ghobash waxa uu carrabka ku adkeeyay in dowladdiisu ay sii joogtayn doonto taageerada ay la garab taagantahay shacabka Soomaaliyeed, si ay u gaaraan nabad, xasillooni, horumar iyo barwaaqo.

Wafdiga Guddoomiyaha Golaha Shacabka waxaa qeyb ka ah Guddiga Saaxiibtinimada Baarlamaanada Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta iyo sidoo kale xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya ku matala Baarlamaanka Jaamacada Carabta.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here